Powered By Blogger

Wednesday, September 11, 2013

Mucaarid:Jawaab-sii!!

Suxufi Askar



Tan iyo intii xukuumada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Qabtey Hogaanka dalka waxaa ka soo ifbaxayey masuuliyiinta dowlada   u jaawabida Jabaqada Mucaaridka iyo cidkasto Odhaah iyo soo jeedin isu bida sixida iyo tilmaamida iyo toosinta Xukuumadda Somaliland ,marba marka ka sii danbeysa waabay sii xoogaysanaya oo labba labba masuul ba la odhanayaa ordoo u jawaaba hebel iyo hebel ,ma xuma shayga layidhaa Naqdinta iyo ka jawaabida eedaha lagu soo jeediyo balse waxaan meesha oolin inaad Tidhaa waxaa layga indhasaabey dhamaan eedaha taagan ee ay waajibka tahey inaad tunka- u-ridato  .

Wasiir cukuse iyo wasiiru Dawle Cadaani waxaa ay Shaley Saxaafada u sheegen in Mucaaridku iyo saxaafadduba Aad u buunbuuniyeen arrimaha shirkadda shidaalka ee Genel  ee dalka kala baxadey shaqaaleheedi iyo shirkaddda diyaaradaha Ethiopian airline oo iyana joojisay duulimaadeydii ay ku iman jirtey Somaliland muddo aan cayinen ,waxey hadlkii cukuse tilmaamey in saxafad iyo mucaarad-ba   dadka iyo dunida doonayaan iney fahansiiyaan in Somaliland nabadgaliyo daro ka jirto .

Hadalka wasiiradan markaad lafgur ku yara sameeyso waxey u muuqadaan hab ay iskaga difaacayaan dhaliliilaha dowlade ee aan caadku saarneyn isagoo cuske afkuu soo qaadaba aad moodo in saxaaafada la yidhi gaadh ka hey  oo maanta haddi uu awoodo gabi ahaanba saxaafda Madaxa banana alabaabda u laabi lahaa wasiir bal hoos u eeg intaanad jawaab bixin eedaymaha dowladana dhago u yeelo .

Waxaad tidhi warka saxaafadu ay ka qorayso ama Tv-yadu khaastan sii daayan ee ku sal`leh arrimaha diyaarada Itoobiya Ku soo Dar Captankii diyaarada ugu horeysay(Being 733_800 new generation)  so fadhiisay Egal international airport  jawaabtiis lagu waydiiyey judhu cagaha ay  soo dhigtay diyaaradu ,waxa uu sheegay duuliyaha diyaaradaasi inuu 4 sanno ka hor diyaarad foker 50 ah soo fadhiiseyey goobtan ,waxaanu raaciyey  in gagada ay ka soo dagayaan diyaaraduhu aad u cusubtay marka loo eego waqtigii hore …….haye markaa ma waxuu sheegay in diyaaradiisu ku qancadey airportka xitta hadii uu amaaney camer-do iyo warbaahinta ma ka hor odhan karaa waxaa garoonka loo sameyey hab aan saxsaneyn? waa maya wasiir .

Furitaankii  egal international airport waxaa uu wasiirka duulista iyo hawadu sheegay in garoonka dibu dhiskiisa ku baxadey lacag dhan 4.5 millon dollar lana jaanqaadayo madaarada caalmiga ee ka jira adduunka ,Madaarka Magaalda Boorusicaadee dlaka masar hadaan keen barbar dhigo ,waxaa cadaanaya in ay kala yihiin kaaf iyo kala dheeri labbada madaar ,maxaa yeelay madaarka Boorusaciid ugu horeyn waxaa ku baxdey lacag dhan 5 milyan oo lacgta maraykanka ah waxaan loo dhisey qaab aad u heersareey kaaso la jaanqaadaya madaarada aduunka ,maxaa hadaba keena ka siya oo  inaga qaldan ileen 10 millon oo dollar ayey kuweyt inoogu deeqday si dib loogu habeeyo madaarka hargeisa iyo ka Barbara ,ma fadeexadan warabaahinta iyo mucaaridku isla dhex maryaan bay wax ka jirta ileen waa tanoo Garoonkiba Shaki baa gale.

Shaki baa igaley maalintii diyaarada itoobiya soo fadhiisatey oo duuliyaheeda mikrafoonka lala hoos ordayey isla habeenkii ku xugey waxaan warka ka daawadey diyaarada Juba oo Duuliyaheedi isgana sidoo kale la leeyahay ka waran garoonka ku darso intaa waxaa uu wasiirku ku celcelinayaa Tixdii salaan carbey “waxba yaanu xeerkay I marin xoolana isiine *xaashe nin libin kaa xisdiyey Xumhihi waa yaab  ".

In dhaliishada aad u madax furaanta waa sababaha lagaga guulaysto cida kuu soo jeedisay dhaliisha balse maantaba waxaa muuqata in sababta diyaaradaha loogu diidey iney ka soo dagaan Garoonka Barbara ay tehey Dambabasida madaarka hargeisa oo sidii laga rabey aan la gaadhsiin .
Diyaarada Ethiopia ma aha mid si dhaydhayl ah markay doonta u imanaysa dalka xiliig`ey rabtan Duulimadayda joojineysa waxay diyaaradan ugu yaraan duulimaadyo ku kala bixisa 70 Dawladaha caalamka lamana soo sheegin iyadoo dal dulimaadyadeedi ka joojisey ee maxaa innaga tuke baal cad inaga dhigey wasiir hadii ay arrimo dhaqaal tahey arrintani ?

Xukuumadaha afrika mid waliba kama madhna musuqmaasuq balse teenu waxy ku jabdhigtey indha adeyga diyaaradiiba leh garoonku saftegii diyaaradahayga maaha mid ay ka soo dagi karaan waayo ma gaadhsiisan Taydii Standard garoomada ,taasina way ku saxanyihiin maadamo diyaaradahodu ay yihiin qaar malaayin dollar laga soo siiyey waxay kalo mareegta http://www.ethiopianreview.com  sheegtay in wasiirku ku adkeystay  madaarka hargeysa oo qudha laga soo dagayaa .

Hadal iyo dhamaan waxaa laynooga baahanyehey  ka xukuumad ahaan in wixii aynu far u qaadno sideeda uga soo baxna hadey wax inaga qaldamaana ileen bina`aadam baynu nahee in aad qaadato qaladkaago xal la timaado ,saxafadeena iyo mucaaradku waxay ku hawlan yihiin shaqadooda meeshi qaldan ee arkaan iney ka hadlaan wa in-daanweyne sida awgeed  boodhka aynu iska tuno wuu dhaca musqmaasuqe keene arrinkii qaldka ah lagu sixi lahaa .
Maxamuud Askar
Moaskar@gmail.com


Tuesday, September 10, 2013

Genel Energy waxay Dalka uga baxaday Amni Daro!!!!!!!!

Suxufi Maxamuud Askar

 
Waxaa labbadii maalmood ee la soo dhaafey aad uga dhex guuxayey ra`ayi caamka bulshaweynta reer Somaliland ,maqaaxiyaha iyo goobaha lagu kulmana ka socdey dooda shirkda shiidalka ee dalka ka baxdey ,sharkadan oo  waday sahaminta shiidalka deeganada barriga Somaliland oo ka baxaday dalka ,iyo is waydiinta sababaha keenaya iney joojiso shaqaddi sahaminta shidaalka taaso u muuqata mid gabi ahaanba ka laabtey dalka , iyadoo aan dawladuna wax jawaaba ka bixin kabixida shirkada genel energy,shirkada genel energy ayaa  markii u horeesay shaacisay in sababo amni daro awgeeda shaqdii u joojiyeen sahaminta Shidaal-baadhista ee ay ka waday deegannada  gobalada barigga dalka Jamhuurayadda somaliland  .

Genel Energy  :


Shirrkada genel energy  waxay ka hawul gasha wadamo faro badan oo caaalmka ku yaala sida Somaliland ,Ethiopia, morocco,gobalka Kurdida Ciraaq oo ah meesha ugu balaadhan ee ay ka shaqeyso ,turkiya ,Malta ,  Côte d'Ivoire(efrikoos).

Shirkada Genel Energy ayaa heeshiis la gashay xukuumada Somaliland august 2012 ,waxaaney shaqada bilowday November 2012 .

Shirkadan maaha ta qudhe ee maalgalineysa mashruuca sahaminta shidaalka balse waxaa jira shirkaddo la wadaaga maalgashiga ,mashruuca sahminta Oodweyne genel energy waxay leedahay  50% ,Jacka Resources 30%,Petrosoma 20%.waxaaney baadhis iyo sahmin ku sameynayaa dhul masaafadiisu tahay 22,000 square Km .

Dhinaca gobalka togdheer  shirkaddan waxaa la wadaaga mashruuca baadhista shiidalka 25% shirkadda (East Africa Resource Group)halka genel energy leedahay 75% ,hawlaha shidaal baadhista waxaa togdheer laga sahminaya dhul dhan 18,300 square km.waxaa intaa u raaca iney u madax banaantey qeybta shaqaalaha .

Intaa aan kaga soo laabano Maalgashiga shirrkada genel energy oo si wada jira uga diwaangashan dalalka  Ingriiska iyo Turkiga ,eeynu diirada saarno dhanka Xukuumada Somaliland ee heeshiska la gashey shirkadan ,suaalo na aynbu iska waydiino,Maxaa shirrkada sahaminta dhul lagu qiyaasey 40,300 square km ka wadey Hawlaha sahaminta  shidaal-baadhistu u joojisay shaqaadeedi ?Maxaa Keenay In si dhibyar lagu soo galo dalka Hadana Looga Baxo ?Masuuliyada yey saarantahay haddi-ba mashruucani fadhiid noqodo?

Su`aalahas iyo kuwa kale ba waxey  kadhex  guuxayaan Masakaxada Muwaadinka U Haqanaqal taageyay hir-galka hawshan iyo mustqabalka  shaqe ee ka soo baxayey mashruucan ,Ididiilada dhalinyarta aqoonyahanka iyo cidkastoo danaysa Horumarka iyo Kobaca dhaqaale dalkan.

Balse aynu si fudud uga jawaabno ,waa ta kowaadde xukuumadda Somaliland maalintii ay heshiiska la gashay shirkadan hawalaha shidaalka sahankiisa u tafaxaydatey ee genel energy  waxaa sidda saxaafada ku warqabto heshiis la saxeexday wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland kaaso heshiiskaasi ka qabsoomey Xurnta shirkada ee London ,waxaa sidoo kale markale shirrkadan booqday xafiiskeeda magaalada Ankara Madaxweyne siilanyo safarkiisi kowaad ee ku tagay dalaka turkiga  .shirkadii iyada oon  heshiiskeedi la horgeyn Golaha wakiilada ,sharci iyo xeer mid toona loo sameyn ayey si yaroo fudud  u so gashey dalka hawleheedina hore –ka bilaabatey taasina waxey keenta iska horimaad dhanka  bulshada deeganka ku nooleyd ,kuwaaso ku andacoonayey iney waayeen saamigi shaqaalaha ay ku laahaayen ka deegan ahaan

Waa ta labbad xukuumaddu waxay ka adkaan kari weyday sugida amniga soodaha laga wado sahminta taaso shirkada genel energy sheegtay in amni daro uga baxaday dalka islamarkaan si kadis ah u joojisay shaqadii ay ka waday gobaladda Barigga Somaliland iyadoon sheegin mudada ay shaqada ka maq-naanayso halka u wasiirka  arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade axadii golaha wakiilada u sheegay inaaney jirin sababo amni daro oo ay shirkadaasi wadanka uga baxdey .

 balse Taasi maaha is difaacid wasiire mar haddi shirkadii sheegtay iney xukuumadu maareyn kari waydey dadka deeganka ee raba Qeybtii ay ku lahaayen shaqaalaha sahaminta ,mana aha  Cudurdaar iyo Afmiisharnimo waayo Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Ka Macadanta iyo Biyuhu waxay  Safar ugu baxeen sidii shirkada ay ula kulmi lahaayen xafiiskeeda London .

Maxaa Xala ?


Arrimaha noocan oo kala ah markey dhacaan waxaa lamahuraan ah in tallo laga gaadho sidii aaney tano kale dib u dhici laheyn waxaan ugu muhiimsan in la yidhaa waar nimanyahow maxaa inagga qaldamey maxeyn kaga hortagi karnaa ,sideen wax u fullin karnaa ,xukuumada waxaa la gudboon in la baro Muwaadinka waxey tahey Wadaniyadu Waana ta lagaga gudbi karo Qabiilaysiga iyo Maxaa Iga caba hadaan naheyn reer hebel ,oo la tuso la tilmaamo la garab istaago sidii ay bulshadu u qaadan laheyn Mabda Wadaniyadda iyo sharcigga iyo kala danbeynta ,Tusaala ahaan Haddi Qof keeno dhower kun oo geed oo la yidha aynu iskaga beerno dhincayada wadooyinka ka baxa magaaloyinka ,judhii-ba waxa budka iyo hangoolka la soo boodaya waardiyaasha dhulka iyo inta ka dhow wadaada ,,,,Kuye “Maxaa igu jirra Geedahan “.

Si aynu u noqono qaran ugana gudubno qabiil waa in xukuumada qorshe cad la timaado oo ay si cadaalad ah ugu qeybiso wixii kheyraad ah ee dalku leeyahey kana fogaato eexda ,garabiysiga iyo qaraabo kiilka .

Ugu danbeyntii waxaan qoraalkeyega ku soo afmeeraya ummadi waxay horumar ku gaadha ka fogaanshaha Maamul xumada iyo ajanda la`aanta kala xadeynta waxaa u xaq u leeyahey muwaadinku iyo waxaa xaq loogu leeyahey isaga, taasina waa ta kaliye ee dalkan iyo dadkan lagu kala maareyn karo haddii intaa ay garan weydu waa  ayaandaro iyo wajgabax aan laga gudbi Karin.

Maxamuud Askar

Moaskar@gmail.com