Marka laga hadalayo saxaafad waa eray mugiisa iyo culayiskiisa leh. Somaliland waa dal ku caana maalay nabad, maamul wanaag iyo kala danbeyan, dhinaca saxaafadana waa waa dalka ugu fiican marka la barbar dhigo wadamada la deriska ah.
Geesta kale dalka suudan waa wadan uu xoriyatul qawlku biyo dhigay, saxaafaddiisuna ay aad u hurumarsan tahay, iyada oo marwalba la talaabsata saxafadah carabta hadaanay qaar badanba ka horeyn. Marka laga hadlayo taarikhda saxafada Suudan maaha mid lagaga hadli karo maqaal qudh, balse waxa ay noqonaysaa buugaag.
Sudan waa dal ay ka dhisnaayeen xadaarado aad u fara badan oo xataa qaarkood ay jireen nebi Ciisa horti calayhi salaam, in kasta oo ay Somaliland iyo Sudan yihiin laba dal oo aad u kala duwan, gaar ahaan dhinaca taariikhda ay Somaliland tahay curdin dalka Sudan-na uu yahay dal guun ah, waxa aynu eegaynaa saxaafadda madax bannaan ee labadan dal sida ay u kala shaqayso.
Tiro-koobkii u danbeeyay ee lagu sameeyey saxaafadda dalka Suudaan, waxa lagu ogaaday in Sudan ay ka soo baxaan 53 wargeys oo 33 ka mid ah ay yihiin kuwo u gaar ah wararka iyo falanqaynta siyaadada, 4 ka mid ahi waxa ay ku soo baxaan luuqadda Englishi, halka 10 wargeys oo ka mid ahi yihiin kuwo u gaar ah wararka ciyaaraha, 6 ka mid ahina waxay isku koobeen ka hadalka arimaha bulshada.
Jariiradaha ka soo baxa dalka Sudan waxa ay isugu jiraan kuwo siyaasadaha mucaaradka ee kala duwan taageera, kuwo mucaaradka u hadla iyo kuwo lagu tiriyo dhexdhexaad.
Shuruucda dalka Sudan uga yaalla warbaahinta ayaa waxa ugu horreeya in jariirad kasta oo la furayaa ay bangiga ku shubto lacag dhan $ 25000 (Shan iyo labaatan kun oo dollarka Maraykanaka) ah, lacagataas oo ah caymiska jaridaada hadii ay wax noqoto si loogu kabo, sidaa awgeed waa ay is bixanysaa jariiraddu.
Hadaan u soo laabto dhinaceena Somaliland waxaa jira 10 wargeys oo wax ka qora arrimaha siyaasadda. Runtii way dadaaleen, gaar ahaan marka dib loo milicsado taariikhda dhow ee ay wargeysada madax bannaan ka hana qaadeen Somaliland, oo sida igu maqaalo ah waxaa jiray waqti aan siiba fogeyn oo warka ka baxaya idaacadda Radio Hargeysa uu teeb ku qori jiray wariyuhu isaga oo weliba wixii turjumaad ahna isaga lagarabo in uu samaysto, marka halkaa laga soo qaado sheekada waxa aynu maraynaa heer Alle lagu mahadiyo.
Jaraa`idka Somaliland waxa uu maanta haystaa madabacad tayo wanaagsan, laakiin waxaa ka maqan in uu tayeeya waxa uu qorayo iyo habka uu warka u daba gelayo ama uu ururinayo iyo qorista warbixinaha.
Saxaafadda Somaliland waxaa ku yar, saxafiyiinta daadasha, waxayaabo badan ayaana sabab u ah.
Waxaa kow ka ah balwadda cunista qaadka oo ah aafada koowaad ee ku habsatay bulshada Somaliland.
Qormadani waxa ay i xasuusinaysaa sheeko yar oo aan la kulmay dhowaan mar aniga iyo saxafiyiin kale aanu kormeer ku soo marnay lixda gobo lee Somaliland.
Nin aanu saaxiib nahay oo ila socday ayaa maalin maalmaha ka mid ah igu yidhi, “Saaxiib waxa aan kuu sheegayaa in il-wareedka ugu muhiimsan ee saxaafadda Somaliland waa mafrashyada qaadka, halkaas ayaa warka lagu kala qaataa” Markii uu saaxiibkay hadalkan I lahaa waan la yaabanaa, laakiin sheekadani waxa ay ii rumowday mar dambe oo aan aad u daraaseeyey saxaafadda dawladda Somaliland, waxaa ii caddaatay in sida keliya ee aad kula qabsan karto uguna dhex jiri karto saxaafadda dawladdu ay tahay in aad leedahay balwadda qaadka, haddii kale adiga ayaa laguu qayilayaa.
Waxa ii caddaatay in sababaha ugu badan ee saxaafadda Somaliland horumarka u diiddan ay tahay balwadda. Waxa saxafiyiinta reer Somaliland ka maqan xaqiiqada ah in horumarku uu ku jiro balwad la’aanta.
Ceebta kale ee saxaafadda Somalilad haysataa waa in ay tahay meel furan oo qof kastaa ka heli karo kadin uu ka galo, xattaa haddii aanay hiwaayaddiisa ahayn saxaafaddu. Waa shaqada ugu fudud ee uu qof qabto, si uu nafta ugu maaweeliyo ama magaca shaqo ugaga ag dhowaado.
Waxa aanay arrintan keentay in meeqaamkii iyo karaamadii saxaafaddu ku dhex lahayd bulshada, gaar ahaan bulshada wax-baratay ay aad hoos ugu dhacday. Waxa aad mooddaa in saxaafadda Somaliland uu ku rumoobay hal-ku-dhegga carbeed ee yidhaahda, ( (الصحافة مهنة لمن لامهنة له
oo macnaheedu yahay “saxafadu waxa ay shaqo u tahay cida aan shaqo kale aqoon, waa odhaah aad moodo inay waaqaca Somaliland la jaanqaadayso. Waxaa muhiim ah in aynu fahamno in saxaafaddu aanay sidaa ahayn, waa shaqo masuliyad culus leh oo u baahan in ay yeelato kadin laga galo iyo mid laga baxo, iyo wax lagu garto qofka saxafiga ah oo uu kaga duwan yahay dadka kale. Tusaale ahaan marka aynu soo qaadanno dalka Sudan saxaafaddu qof kasta oo mihnaddan gelayaa waxaa imtixaan ka qaada xarun lagu magacaabo, Center for Journalism and Publications oo u qaabilsan sudan arimah saxaafada una taagan waxa loo yaqaanno golaha afraad ee dowlada.
shaqsiga haddii ay hiwaayaddiisa tahay saxaafaddu, xattaa haddii aanu takhasus u lahayn waa loo ogol yahay laakiin waa in uu imtaxaanka xaruntan fadhiista.
Qofka imtixaankan ku gudba waxaa ay xaruntu siisaa kaadh aqoonsi oo uu meelkasta ugu shaqo tegi kar,o, waxa aanu xubin ka noqdaa ururka saxafiyiinta ee Suudaan, qofka kaadhkan aqoonsi helaa waxa uu leeyahay xasaanad saxafinimo, meelkasta wuu ku gali kara, haddii uu wax qaldan qoro ama si qaldan wax u baahiyana waxaa jira hab loo soo maro qabashadiisa iyo in garsoorka la hor geeyo, askarina ma qaban karo illaa uu warqad ogolaanshiyo ka soo helo Center for Journalism and Publications.
Gebogebo:
Waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan odhan lahaa dowlada bal dib ha u eegaan saxafada iyo qanuunkeeda oo ha hiigsadaan wadamada ku horumary warfaafinta iyo tayayeenta medaiha ,oo ha lagu daro miisaniyada dowlada tobabrada saxafiyiinta Somaliland lasiiyo .
Mida kale la xisaabtanka qaladaadka saxafiyiinta ha loo sameeyo gudi ugaar ah oo ka kooban dadka iska leh madabadah iyo dhowerka tafatire ee ugu fiican Somaliland ,oo yaan inta layska xukumo mudo aan macquul aheyn ,kadibna madaxweynuhu idhaa cafis baan bixinaya wax aan caalmaka ka dhaca way ku yartay .
Maxamuud Askar
Hargeysa- Somaliland
002522405362
Askarb5@hotmail.com