![]() |
| Suxufi Maxamuud Askar |
Genel Energy :
Shirrkada genel
energy waxay ka hawul gasha wadamo faro badan
oo caaalmka ku yaala sida Somaliland ,Ethiopia, morocco,gobalka Kurdida Ciraaq
oo ah meesha ugu balaadhan ee ay ka shaqeyso ,turkiya ,Malta , Côte d'Ivoire(efrikoos).
Shirkada Genel
Energy ayaa heeshiis la gashay xukuumada Somaliland august 2012 ,waxaaney
shaqada bilowday November 2012 .
Shirkadan maaha ta
qudhe ee maalgalineysa mashruuca sahaminta shidaalka balse waxaa jira shirkaddo
la wadaaga maalgashiga ,mashruuca sahminta Oodweyne genel energy waxay leedahay
50% ,Jacka Resources 30%,Petrosoma
20%.waxaaney baadhis iyo sahmin ku sameynayaa dhul masaafadiisu tahay 22,000
square Km .
Dhinaca gobalka
togdheer shirkaddan waxaa la wadaaga
mashruuca baadhista shiidalka 25% shirkadda (East Africa Resource Group)halka
genel energy leedahay 75% ,hawlaha shidaal baadhista waxaa togdheer laga
sahminaya dhul dhan 18,300 square km.waxaa intaa u raaca iney u madax banaantey
qeybta shaqaalaha .
Intaa aan kaga soo
laabano Maalgashiga shirrkada genel energy oo si wada jira uga diwaangashan dalalka Ingriiska iyo Turkiga ,eeynu diirada saarno
dhanka Xukuumada Somaliland ee heeshiska la gashey shirkadan ,suaalo na aynbu
iska waydiino,Maxaa shirrkada sahaminta dhul lagu qiyaasey 40,300 square km ka
wadey Hawlaha sahaminta shidaal-baadhistu
u joojisay shaqaadeedi ?Maxaa Keenay In si dhibyar lagu soo galo dalka Hadana
Looga Baxo ?Masuuliyada yey saarantahay haddi-ba mashruucani fadhiid noqodo?
Su`aalahas iyo kuwa
kale ba waxey kadhex guuxayaan Masakaxada Muwaadinka U Haqanaqal
taageyay hir-galka hawshan iyo mustqabalka shaqe ee ka soo baxayey mashruucan ,Ididiilada
dhalinyarta aqoonyahanka iyo cidkastoo danaysa Horumarka iyo Kobaca dhaqaale
dalkan.
Balse aynu si fudud
uga jawaabno ,waa ta kowaadde xukuumadda Somaliland maalintii ay heshiiska la
gashay shirkadan hawalaha shidaalka sahankiisa u tafaxaydatey ee genel
energy waxaa sidda saxaafada ku warqabto
heshiis la saxeexday wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland kaaso heshiiskaasi
ka qabsoomey Xurnta shirkada ee London ,waxaa sidoo kale markale shirrkadan
booqday xafiiskeeda magaalada Ankara Madaxweyne siilanyo safarkiisi kowaad ee
ku tagay dalaka turkiga .shirkadii iyada
oon heshiiskeedi la horgeyn Golaha
wakiilada ,sharci iyo xeer mid toona loo sameyn ayey si yaroo fudud u so gashey dalka hawleheedina hore –ka
bilaabatey taasina waxey keenta iska horimaad dhanka bulshada deeganka ku nooleyd ,kuwaaso ku
andacoonayey iney waayeen saamigi shaqaalaha ay ku laahaayen ka deegan ahaan
Waa ta labbad
xukuumaddu waxay ka adkaan kari weyday sugida amniga soodaha laga wado sahminta
taaso shirkada genel energy sheegtay in amni daro uga baxaday dalka islamarkaan
si kadis ah u joojisay shaqadii ay ka waday gobaladda Barigga Somaliland
iyadoon sheegin mudada ay shaqada ka maq-naanayso halka u wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade
axadii golaha wakiilada u sheegay inaaney jirin sababo amni daro oo ay
shirkadaasi wadanka uga baxdey .
balse Taasi maaha is difaacid wasiire mar
haddi shirkadii sheegtay iney xukuumadu maareyn kari waydey dadka deeganka ee
raba Qeybtii ay ku lahaayen shaqaalaha sahaminta ,mana aha Cudurdaar iyo Afmiisharnimo waayo Wasiiradda
Arrimaha Dibadda iyo Ka Macadanta iyo Biyuhu waxay Safar ugu baxeen sidii shirkada ay ula kulmi
lahaayen xafiiskeeda London .
Maxaa Xala ?
Arrimaha noocan oo
kala ah markey dhacaan waxaa lamahuraan ah in tallo laga gaadho sidii aaney
tano kale dib u dhici laheyn waxaan ugu muhiimsan in la yidhaa waar nimanyahow
maxaa inagga qaldamey maxeyn kaga hortagi karnaa ,sideen wax u fullin karnaa
,xukuumada waxaa la gudboon in la baro Muwaadinka waxey tahey Wadaniyadu Waana
ta lagaga gudbi karo Qabiilaysiga iyo Maxaa Iga caba hadaan naheyn reer hebel
,oo la tuso la tilmaamo la garab istaago sidii ay bulshadu u qaadan laheyn
Mabda Wadaniyadda iyo sharcigga iyo kala danbeynta ,Tusaala ahaan Haddi Qof
keeno dhower kun oo geed oo la yidha aynu iskaga beerno dhincayada wadooyinka
ka baxa magaaloyinka ,judhii-ba waxa budka iyo hangoolka la soo boodaya
waardiyaasha dhulka iyo inta ka dhow wadaada ,,,,Kuye “Maxaa igu jirra Geedahan
“.
Si aynu u noqono
qaran ugana gudubno qabiil waa in xukuumada qorshe cad la timaado oo ay si
cadaalad ah ugu qeybiso wixii kheyraad ah ee dalku leeyahey kana fogaato eexda
,garabiysiga iyo qaraabo kiilka .
Ugu danbeyntii
waxaan qoraalkeyega ku soo afmeeraya ummadi waxay horumar ku gaadha ka
fogaanshaha Maamul xumada iyo ajanda la`aanta kala xadeynta waxaa u xaq u
leeyahey muwaadinku iyo waxaa xaq loogu leeyahey isaga, taasina waa ta kaliye
ee dalkan iyo dadkan lagu kala maareyn karo haddii intaa ay garan weydu
waa ayaandaro iyo wajgabax aan laga
gudbi Karin.
Maxamuud Askar
Moaskar@gmail.com


No comments:
Post a Comment