Powered By Blogger

Tuesday, October 1, 2013

Wadatashi

Mohamud Askar

Ø  Wadatashigan   maanta  waxaa ka qeyb galaya Yar iyo weyn muxaafid iyo macaarid .
Ø  Dowladuna waxay ka sugaysaa shacabkeeda wadtashigan inuu ka soo baxo  arrin wax ku ool ah oo lagu taagero qorshayaasheeda Hurmarineed ee ay dalka ka wado >

Ø  Kaaf iyo kala dheeri

Ø  Mucaaridku waxaa uu ka fogaadey saaxadi miisanka siyaasada waxaanu dhex heehabaya cirka iyo dhulka dhexdooda ,Xildhibaanadi ku soo baxay codkii taageerayaashoda waa kuwaa maantaba ku badhi furey ee Kulmiye ku biirey .

Ø  Dadak qaar waxey leeyihiin wadahadaladan  wadaniga ah …wax qabadka dowlada iyo tirooyanka rikoodh jabiska ah qaadaney(liqney) balse waxaan dooneyna arrin macquul ah in lala shir yimaado .

Ø  Tusaale bukaanka hadii uu u baahanyehay Qaliin fudud balsee uu ka soo noqon waayo qaliinki lagu sameeyay waxaad Maqleysa “Operationkii  waa lagu guuleystay iyo qofkii operationka lagu sameeyay wuu dhintey”.

Ø  Dhakaatirtu waxay u Arkaan Mandiqoodu  (Caqliga) oo ay inaleeyihiin : Bukaanku Qaliinka wuu ku dhiman kara si alle na wuu idhiman kara waa  ixtimaal !

Ø  Wadatashiga   mucaaridku waxay shacabka u sheegayaan in ay u qaadanwaa iyo fajaca..amkaaga .dhabana qabsi ku tahay xaalada dalku maraayo .

Ø  Oo heedhe awal iyagu miyaaney awood dhexdooda ahi jirin sowkuwii geed dheer  iyo mid gaaban ba u fuulay sidii ay dowaladii riyaale  Mucaaridka isku duuban ahaa sidii ay uga tuuri laaheyen ku guulaystay ,ta kale waqti xaadirkan miyaaney mucaaridku dhan uga soo wada jeedin danaha iyo doonista shacabka u gargaarka danyarta iyo toosinta xukuumada Kulmiye .

Ø  Jaw  Xukuumadu  ma tan Adeer Mucaaridki Jamacadihii Dalkoo dhan Saqbadhka xanshaashaqa ugu sheegaysa :Mucaarid kama hadli karo Munaasabadaha Qalin-jabinta .

Ø  Ardeyda waxay ku biireen  wadahadalada Qaran :waxaa nalagu soo tabcaayey Lix iyo Toban (16) sanno oo waalidkayagu taageero iyo taakulaba nala soo garab taagnaayeen  qarash iyo fiiga school ila jaamacada na soo wadeen mar hadaan maanta academiag noqoney waa in dowladu sida ugu haboon noo shaqaalaysiisa?

Ø  Dowladda  horta jaamacadaha kale ba meel inoo dhigo Hargeysa  744 ardey ka qalin jabiyey  meeleya !

Ø  Wasiirka maaliyadu muxuu golaha ka hor sheegay “askar iyo maclin school baan shaqaale u qoraneynaa”.

Ø  Mucaarid :wager waar yaadhaheen war laydin sii ,kuwana waxay ku soo biirayaan kumaanan kii hore u qallin jabiyey jamcadaha Somaliland ,oo qaarkood uga haajirin dalka faqriga iyo shaqo la`aanta ay xukuumada Kulmiye sababtey .

Ø  Shacabka:Gudoomiyaha jaamcada hargeysa ma siyaasada kulmiye ayuu isna ku biirey ,waxaan u soo joogney Md Riyaale oo Tan oo kale Mucaaridku dhagaha ka cunayaan ,Ma Sabir yaraanti kulmiye-ba mise waa “Oohintu Orgiga ka weyn”.

Ø  Wada hadaladu waxay gaadheen meel kasta.

 

Ø  Maqaaxiyaha ,wasiirki arrimaha dibada waxa`u u sheegay Guurtida Inuu shir aan hore loo arag lagu soo casuumay Xukuumadda Kulmiye ,,,,,,, Haa oo marka sheekadu wax weeye waxaa ka hadhey wasiirkii ugu Tunka weyna Xukuumada mr (Xirsi).

Ø  Hadaa shirku wax cusub way ka imanayaan kol hadii raysawaaraha Turkidu Martiqaadakan Xukuumada u soo fidiyey .

Ø  Xalka wadatashiga  waa in lagaadho Barkulan dhexdhexaadiya xukuumad iyo macaaridka iyo tabashooyinka shacbka la ilaawey (Meesha labba maroodi ku Hirdamaan Dooga baaba).

Ø  Way inoo  sii socan doona wadatashigu .

 

Mohamud Askar

Moaskar@gmail.com

No comments:

Post a Comment