Powered By Blogger

Wednesday, January 30, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Goor-dhaweyd khudbadiisii sanadka ugu jeedinaya Golayasha Baarlamaanka Somaliland


Md Axmed Maxamed maxamuud siilanyo
Hargeysa [MOA]-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay u jeediyey mudanayaasha labada Gole ee wakiilada iyo Guurtida.khuadan oo ahayd tii sanad  laha ahayd ee uu shacabka uga warbixinjiray xaaladda dalku marayo iyo hadba wixiijira waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha,ku xigeenkiisa,Shirgudoonika Goleyaasha Baarlamaanka,axan kamida Golihiisa wasiirada,taliya yaasha ciidamada Booliska,Milatariga iyo Asluubta iyo masuuliyiin kale oo farabadan.
Amaanka xarunta Golaha wakiillada iyo Madaxtooyada ayaa aad loo adkeeyey waxaana hiirtii hore ee xalayba wadooyinka ku xeeran Madaxtooyada iyo xarunta Golaha Baarlamaanka la soo dhigay ciidamo farabadan oo ku heeryeysan qoryaha fudud ee AK47 ah iyada oo la arkayey gaadka ciidamada Booliska oo si weyn u gaaf wareegayey isla markaana aad u baadhayey gaadiidka maraya waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa.
“walaalahayga Somaliya waxaan ugu baaqayaa inay ka dheeraadaan wixii dhaawici karaya wada hadalladii la dhacay magaalada London isla markaana ay xoojiyaan walaalnimada iyo jaarnimada inaga dhaxaysa” ayuu khudbadiisa ku soo afmeeray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaano.
Gudoomiyaha Golamaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] oo xafladdaasi ku furay hadal kooban waxa uu sheegay inay tahay munaasibadani mid ay ku soo dhaweynayaan khudbadda Madaxweynaha ee sida uu dastuurka dalku sheegayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay tahay inuu jeediyo khudbadda noocan oo kale ah sandkiiba hal mar.
“Maanta sida uu tilaamayo qodobka 4aad ee faqrada 6aad Madaxweynuhu waxa uu Horyimid Golayaasha Baarlamaanka” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] Aayadihii Qur’aanka ahaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbadiisii sanadka 2013-ka.
“Mudane Gudoomiye adiga iyo shirgudoonka labada gole,mudanayaasha labada Gole iyo warbaahinta waan idin salaamayaa waxaanan idiinka mahad celinayaa sidii qiimaha lahayd ee aad noola shaqayseen taasi oo aanay suurto gal noo noqoteen hormarkii fiicnaa ee uu qarankani gaadhay hadii aydaan nala shaqaynin” ayuu yidhi Mr Siilaanyo,dhanka kalana waxa uu ka hadlay arrimihii doorashooyinkii Dawldaha hoose ee dhacay dhawaan isaga oo ka horeysiiyey inuu isagu albaabada u furay tartankii xalaasha ahaa ee uu ugu ogolaaday markii uu xilka Madaxweyne nimada dalka ku guuleystay.
“Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay isu samir iyo oday samotalis ah” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo waxaanu soo hadal qaaday hadal qaaday raggii madaxda u ahaa ururradii dhacay ee laga guuleystay gaar ahaan Dr Maxamed Cabdi Gaboose.Xasan Maxamed Cali Gaafhaadi,iyo Ismaaciil Aadan Cismaan balse Madaxweyne Siilaanyo maamu soo hadal qaadin Xasan Ciise Jaamac oo kamid ahaa raggii hadhay ee hogaamiyaha u ahaa ururrkii Xaqsoor.
“waxaan si gaara  ugu hambalyeynayaa ragii madaxda ka ahaa ururradii hadhay oo si wanaagsan ku aqbalay in laga guuleystay Dr Maxamed Cabdi Gaboose,Xasan Gaafaadhi iyo Ismaaciil Aadan Cismaan oo aan ugu hanbalyenayo sidii wanaagsanady ee ay u aqbaleen natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii lagaga guuleystay” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.


“Arrimihii wada hadalladii Somaliland iyo Somaliya waxay ahaayeen guul weyn uu Somaliland u soo hooyatay” ayuu yidhi Mr Siilanayo waxaanu intaa ku daray  “Dawladda cusub ee Somaliya waxaanu jecelahay inay noo dhaxayso wada shaqayn iyo jaarnimo wanaagsan” ayuu yidhi waxanau intaa kud aray “waxaan ka rajaynayaa Dawladda Somaliya inay garwaaqsadaan inay Somaliland garwaaqsatay gooni isutaageeda” ayuu yidhi “anagu ma nebcin xasadna kuma ninhin wixii u kordhay Somaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Dhanka kalana waxa uu xusay inaysan jirin wax iska badalaya xidhiidhkii Somaliland iyo Maraykanka  iska oo halkaa ka akhriyey qoraal kooban oo ka soo gaadhay Dawladda Maraykanka balse waxa uu xusay inaysan ahayn wax ku habnoonaa dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Dawladda UK “Dawladda Ingiriiska waxaa naga dhexaynjiray xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ahaa balse wixii ka soo yeedhay dhawaan Dawladda Ingiriiska muu ahayd wax ku haboonaa” ayuu yidhi Mr Siilaanyo.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inaanu ahayn ictiraafku wax si dhibyar lagu helayo isla markaana meell laga soo qaadayo balse uu yahay ninka uu shacabka Somaliland u igmaday raadintiisa “Gudoomiye iyo mudanayaasha sharafta leh arrimaha Ictiraafku maaha wax sahal ama meel uun laga soo qaadayo balse waxaan oganay inaan ahayn ninka ay shacabka Somaliland u ogmadeen albaabo bandanna waan agaaray haddana waan sii wadayaa oo ka daalimaayo balse waxaan idinka rajaynayaa taageeradiina” ayuu yidhi Mr Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka si balaadhan  uga warramay arrimaha ku aadan wax qabadkii Xukuumaddiisu ku talaabsatay intii ay jirtay waxaana kamid ahaa qodobadii uu carabka ku adkeeyey inuu xukuumaddiisa ka midyahay Gudoomiyihii ururrkii SCC Mr Xaglotoosiye oo dhawaan wadahadalo dheer ka dib ku qancay inuu qoriga iska dhigo kuna soo biiro maamlulka Somaliland isaga oo sidoo kalana soo hadal qaaday arrimaha nabad galiyada,arrimaha dibadda,siyaasadda Somaliland eek u wajahan la macaamilka waddamada reer Gableedka,Maraykanka iyo kuwa Midawga Africa isaga oo sidoo kalana soo hadal qaaday inay xukuumaddiisu sanadkan u qorshaysay 38 mashruuc Gobalada Bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag Bari.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda iyo qaabka loo wajihidoono waxaanu sheegay inaysansan doorashadaasi dhicidoonin in lagu galo diiwaan galin la’aan balse waxa uu carabka ku dhuftay inay dalka dhiiggbax ku tahay in sanad gudihii lagu qabtay Diiwaan galin iyo laba doorasho mida Golaha Baarlamaaka,Golaha Guurtida iyo tan Madaxweynaha uu sheegay inay dhicidoonto sanadka 2015.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu meesha ka saaray tuhun iyo nux nux waaydanba laysla dhexmarayey taasi oo ah inuu doonayo in loo kordhiyo wakhtigiisa uu sii fadhin doono kursiga Madaxweyne nimada Somaliland waxaanu sheegay inaanu diyaar u ahayn in maalin kaliya loogu daro wakhtigiisa inta uga hadhay hadii ay dhamaanto “Gudoomiye iyo mudanayaasha sharafta leh waxaan idiin sheegayaa oo aan meeshan ka cadaynayaa inaanay waxba kajirin inaan doonayo in la iigu daro wakhti dheeraad ah mudadii la ii doortay isla markaana aanan diyaar u ahayn in  maalin kaliyana la Iigu daro” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaano.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inaysan joogin Somaliland  maalin loo warwaro arrimaheeda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maanta Somaliland ma joogto meell looga warwaro arrimaheeda siyaasadeed waxaananka midho dhalin doonaa jidkii dheeraa ee aan u soo maray madaxbanaanideena hadii ay 100 sano nagu qaadanayso” ayuu yidhi.

 

Mohamoud askar 

moaskar@gmail.com

 

No comments:

Post a Comment