Powered By Blogger

Wednesday, September 11, 2013

Mucaarid:Jawaab-sii!!

Suxufi Askar



Tan iyo intii xukuumada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Qabtey Hogaanka dalka waxaa ka soo ifbaxayey masuuliyiinta dowlada   u jaawabida Jabaqada Mucaaridka iyo cidkasto Odhaah iyo soo jeedin isu bida sixida iyo tilmaamida iyo toosinta Xukuumadda Somaliland ,marba marka ka sii danbeysa waabay sii xoogaysanaya oo labba labba masuul ba la odhanayaa ordoo u jawaaba hebel iyo hebel ,ma xuma shayga layidhaa Naqdinta iyo ka jawaabida eedaha lagu soo jeediyo balse waxaan meesha oolin inaad Tidhaa waxaa layga indhasaabey dhamaan eedaha taagan ee ay waajibka tahey inaad tunka- u-ridato  .

Wasiir cukuse iyo wasiiru Dawle Cadaani waxaa ay Shaley Saxaafada u sheegen in Mucaaridku iyo saxaafadduba Aad u buunbuuniyeen arrimaha shirkadda shidaalka ee Genel  ee dalka kala baxadey shaqaaleheedi iyo shirkaddda diyaaradaha Ethiopian airline oo iyana joojisay duulimaadeydii ay ku iman jirtey Somaliland muddo aan cayinen ,waxey hadlkii cukuse tilmaamey in saxafad iyo mucaarad-ba   dadka iyo dunida doonayaan iney fahansiiyaan in Somaliland nabadgaliyo daro ka jirto .

Hadalka wasiiradan markaad lafgur ku yara sameeyso waxey u muuqadaan hab ay iskaga difaacayaan dhaliliilaha dowlade ee aan caadku saarneyn isagoo cuske afkuu soo qaadaba aad moodo in saxaaafada la yidhi gaadh ka hey  oo maanta haddi uu awoodo gabi ahaanba saxaafda Madaxa banana alabaabda u laabi lahaa wasiir bal hoos u eeg intaanad jawaab bixin eedaymaha dowladana dhago u yeelo .

Waxaad tidhi warka saxaafadu ay ka qorayso ama Tv-yadu khaastan sii daayan ee ku sal`leh arrimaha diyaarada Itoobiya Ku soo Dar Captankii diyaarada ugu horeysay(Being 733_800 new generation)  so fadhiisay Egal international airport  jawaabtiis lagu waydiiyey judhu cagaha ay  soo dhigtay diyaaradu ,waxa uu sheegay duuliyaha diyaaradaasi inuu 4 sanno ka hor diyaarad foker 50 ah soo fadhiiseyey goobtan ,waxaanu raaciyey  in gagada ay ka soo dagayaan diyaaraduhu aad u cusubtay marka loo eego waqtigii hore …….haye markaa ma waxuu sheegay in diyaaradiisu ku qancadey airportka xitta hadii uu amaaney camer-do iyo warbaahinta ma ka hor odhan karaa waxaa garoonka loo sameyey hab aan saxsaneyn? waa maya wasiir .

Furitaankii  egal international airport waxaa uu wasiirka duulista iyo hawadu sheegay in garoonka dibu dhiskiisa ku baxadey lacag dhan 4.5 millon dollar lana jaanqaadayo madaarada caalmiga ee ka jira adduunka ,Madaarka Magaalda Boorusicaadee dlaka masar hadaan keen barbar dhigo ,waxaa cadaanaya in ay kala yihiin kaaf iyo kala dheeri labbada madaar ,maxaa yeelay madaarka Boorusaciid ugu horeyn waxaa ku baxdey lacag dhan 5 milyan oo lacgta maraykanka ah waxaan loo dhisey qaab aad u heersareey kaaso la jaanqaadaya madaarada aduunka ,maxaa hadaba keena ka siya oo  inaga qaldan ileen 10 millon oo dollar ayey kuweyt inoogu deeqday si dib loogu habeeyo madaarka hargeisa iyo ka Barbara ,ma fadeexadan warabaahinta iyo mucaaridku isla dhex maryaan bay wax ka jirta ileen waa tanoo Garoonkiba Shaki baa gale.

Shaki baa igaley maalintii diyaarada itoobiya soo fadhiisatey oo duuliyaheeda mikrafoonka lala hoos ordayey isla habeenkii ku xugey waxaan warka ka daawadey diyaarada Juba oo Duuliyaheedi isgana sidoo kale la leeyahay ka waran garoonka ku darso intaa waxaa uu wasiirku ku celcelinayaa Tixdii salaan carbey “waxba yaanu xeerkay I marin xoolana isiine *xaashe nin libin kaa xisdiyey Xumhihi waa yaab  ".

In dhaliishada aad u madax furaanta waa sababaha lagaga guulaysto cida kuu soo jeedisay dhaliisha balse maantaba waxaa muuqata in sababta diyaaradaha loogu diidey iney ka soo dagaan Garoonka Barbara ay tehey Dambabasida madaarka hargeisa oo sidii laga rabey aan la gaadhsiin .
Diyaarada Ethiopia ma aha mid si dhaydhayl ah markay doonta u imanaysa dalka xiliig`ey rabtan Duulimadayda joojineysa waxay diyaaradan ugu yaraan duulimaadyo ku kala bixisa 70 Dawladaha caalamka lamana soo sheegin iyadoo dal dulimaadyadeedi ka joojisey ee maxaa innaga tuke baal cad inaga dhigey wasiir hadii ay arrimo dhaqaal tahey arrintani ?

Xukuumadaha afrika mid waliba kama madhna musuqmaasuq balse teenu waxy ku jabdhigtey indha adeyga diyaaradiiba leh garoonku saftegii diyaaradahayga maaha mid ay ka soo dagi karaan waayo ma gaadhsiisan Taydii Standard garoomada ,taasina way ku saxanyihiin maadamo diyaaradahodu ay yihiin qaar malaayin dollar laga soo siiyey waxay kalo mareegta http://www.ethiopianreview.com  sheegtay in wasiirku ku adkeystay  madaarka hargeysa oo qudha laga soo dagayaa .

Hadal iyo dhamaan waxaa laynooga baahanyehey  ka xukuumad ahaan in wixii aynu far u qaadno sideeda uga soo baxna hadey wax inaga qaldamaana ileen bina`aadam baynu nahee in aad qaadato qaladkaago xal la timaado ,saxafadeena iyo mucaaradku waxay ku hawlan yihiin shaqadooda meeshi qaldan ee arkaan iney ka hadlaan wa in-daanweyne sida awgeed  boodhka aynu iska tuno wuu dhaca musqmaasuqe keene arrinkii qaldka ah lagu sixi lahaa .
Maxamuud Askar
Moaskar@gmail.com


No comments:

Post a Comment