Powered By Blogger

Friday, April 20, 2012

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Hargeysa U Yimid Xalinta Khilaafka Somaliland Iyo Somaliya, Sheegayna Inaanay Wada Hadaladu Baaqanayn


Hargeysa (moaskarplogspot.com) Apr 20,2012 – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya Dr Augustine Mahiga oo Magaalada Muqdisho ka soo duulay ayaa goor-dhawayd soo gaadhay Caasimada Hargeysa.
Ergayga Qaramada midoobay ee Somaliya oo fadhigiisu yahay Magaaladda Muqdisho ee dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaliya ayaa waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka wasaarada arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Dr Augustine Mahiga oo aan la garanayn inta uu qaadan doono safarkiisa Hargeysa ayaa saxaafada kula hadlay qolka nasashada Madaarka Hargeysa, waxaanu sheegay in nuxurka socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu xal uga gaadhi lahaa khilaafka siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaliya ee Somaliland kaga noqotay wada hadaladii ay la gali lahayd Soomaliya, taasi oo la xidhiidha laba xubnood oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo Madaxwayne Shariif Guddida wada hadalada kaga daray Puntland, taasi oo Somaliland ka biyo diiday.
Ergaygu waxa kale oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doono Madaxda Somaliland si uu xal uga gaadhi khilaafka labada dhinac, isaga oo carabka ku adkeeyay in aanay baaqanayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya beesha caalamku ugu baaqday, isla-markaana la xali doono khilaafka jira.
Uagustine Mahiga ma sheegin inuu Sheekh Shariif kala hadlay inuu guddidiisa ka saaro xubnaha reer Somaliland ee uu ku daray.
Moaskarplogspot 
Hargeisa Office 

War-deg-deg ah:- Guddida diiwaan gelinta oo ku dhawaaqay magacyadda lix urur siyaasadeed oo ka gudbay marxaladda kala reebista iyo kuwo tun weynaa oo afweynta goostay


Hargeysa (Moaskar) Guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda Somaliland ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay natiijada kala reebista ururada siyaasadda.
Tartankan oo ay ka qayb galeen 15 urur siyaasadeed, ayaa waxa u soo baxay lix urur siyaasadeed kuwaas oo kala ahaa WADANI,UMADDA, ,Xaqsoor, Rays, Nasiye iyo waliba Dalsan, halka ay  urur siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen Nuur, Jamhuuriga, SSCD, Badbaado, Gurmad, Damal, NDP, Horyaal iyo UDHIS.
Warkan oo faahfaahsan goor dhaw la soco……
Moaskar.plogspot.com