Powered By Blogger

Wednesday, November 21, 2012

Hagardaamoyinka lagu la kaco Muslimiinta Maanta iyo Moogananta Dowlada ha Carabta !!!!!



Afar  iyo toban qarni ayeynu ka joogna  Waqtigi alla (Sw )Ku soo dajiyey Diintana  Islaamka Rasuulkeeni Suubanna NNKH ,Diintan ayaa Mudo kooban adduunka daafihisa ku fidey ,waxaane hababka ay dadku ku soo gali jireen ka mid ahaa akhlaaq wanaaga ,runta ,dhexdhexaadinmada taaso ilaahay u dhameeyay gabi ahaanba wadadidii uu ku badbaadi laha aadomihiisa.
Wakhtiyadii ay jirtay khilaafada islaamka ayaa iyaguna aha ,xilli ay taarikhdu ku  Qortay Bogaga Dahabiya ,kuwaas furtay dalal badan oo ay ku jiraan Labbadii Dowladood ee addunka ugu qawada weyna midkood Faaris (Beershiya )Dhulka imka dowlada iiran ka jirto ,waxaaney Khulafa –u-raashidunku Sameeyen Dowlada gaadhsiisey dacawada Risaalada Aadamaha Ku Sugnaa Caalamka .
Maamul wanaag iyo Habsami u socdka Dowladi Islaamka oo aheyd wakhtiikas Mid Qudhaa ayaa suurta Galisay Inuu Islaamku ku fido wadamo ka mid ah Qaarada Yurub Sida ;Faransiska Qeyb Ka mid ah iyo spain ,Portugal ,waxana dhici jirtay Boqortooyoyinka ka dhisana yurub ay Caruurta-da u soo dirsadaan si ay wax uga bartaan jaamacadihii ka dhisan dowladihii Umawiyiinta ,La socoo  Akhriste  yurubna waa xilgii ay ku jirtay Casrigii Mugdiga ayna ka  socday dagaalo aad u ba`an .
Taarikhadaas dahabiga waxaa ka danbeeyay dhicistii khilaafadii u danebeysay dowlada midaysan oo xukunta musliimanta caalmka ,dowladii Cusmaaniyanta oo lagu bururbreyay Dagaalkii Kowaad kadib ee addunka kaaso loo adeegsaday ,Mustafe Kamaal Ataator oo ah nin ay soo Carbiyeen Yahuud ,isla markaan lagala soo dardaarmey Burburnta dhaqanka Muslimiinta halkaa ku sugna(turkey )inuu badalo ,wali-na waa ta manta la ga soo kaban laayahay ,shalay ayaan mar aan Akhriyey war uu  soo saartay Wargeyska Qudus Al carabi  oo ka soo baxada Uk waxaan ka dheehday ,Qiso layaaba leh …. Israail oo Daraato Isgu Keentaya Masaajidka Barakeysan ee Alaqsa Culmada Musliimanta Qaar ka mid ah kuwaaso ka soo kicitimey Dalka Faransiisaka ,Waxaaney Yahuud Indhaha Caalmka ka jeedinaysaa Xasuuqa ay ku hayso Falstiin iyagoo u turjumaysaa iney Culmadii islaamku-ba Ku suganyiihiin Masaajidka Aqsa ,wa yaab ,waxaa yaabka yaabki ah Sheekh ka mid ah shuyuukh-di Timid , sheekhan oo dhalsha ahaan ka soo jeeda dalka singaal oo jinsayad Faransiis waxaanu si  faseex ah ugu Hadleyay luuqada carbiga iasgoo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan booqashada uu ku yimid Aqsa waxaanu ka bilaabay sida tan  “ waxaan socodalkaygan  u soo kuuragalanye  isku soo dhaweynta diimaha ,diinta yuhuudan waa  diin ka soo horeysay tena (islaamka )Kitaabka Tawraatku-na waxaa uu ka Horeeyay  Kitaabkeena Quraanka Kariimka ah  “ Ogsoonowo Yahuudana Xasuuq bay ka wada  Daanta Galbeed ee  falsiin Gaza  kuwaas  Maatida Caruurta Birma -gaydada dhagta dhiiga u duray , waa  wax lagu murgoodo walaalaha-ga Falstiin oo dhigooda lagu Tacdiyayo oo aad hadan amaan u kiishto Cadowgaaga kowaad ,ku darsoo hadan leedahay waxaa laysku soo dhaweynayaa diimaha ,Rasuulkeeni suubana NNKH ayaa ah kii u danbeeyay Risaaladi lagu soo dajiyeyna waxaa ay koobsanaysaa dhamaan aadmaha  addunka ilaa inta suurta laga afuufayo .
Hadab waa inaad Gartaa  in maalimba maalinta ka danbeysa awooda reer galbeed ku tijaabinayso wadamada islaamka ha aahto ka aamuska muslimiinta minamaar (Ruhiinga)oo sidii lagu tacdieyey  ka talaabay wabiyada u dhaxeeya Serilanka .
Isku soo wada duubo akhriste hadii eynaan wax kale u qaban Karin walaalehna islaamka ku dhibaataysan aduunka daafihiisa ayenu Ducada salaadaha subax u marna .
Maxamuud Askar
Moaskar@gmail.com