Powered By Blogger

Friday, December 21, 2012

Hanaankii Dumqraadiyada JSL ,Heerka Maanta !!!!!!!


Suxufi Maxamuud askar 
Hargeisa (msr) Somaliland waxey 21-kii ku soo caanamaashay Nabad xasilooni ,kaladanbeyn Maamulo 4 dawladood oo iska soo dhaxleyXuknka dalkan waxaaney Badonkoodu kusoo hagayeen xukun xala, iyo geed hoosti guurti iyo beelo is afgarad ka dhaxeyey waxaaney maalinba maalinta ka danbeysa la soo jaanqaadeysay ama soo baraneyeen  Hab-maamulki Xukuumadi lahaan jirtey .

Wakhtiyda qaar waxay soomartay doorashada madaxweyne in halbeegedu noqdo Far utaagida Golaha Guurtida Somaliland taaso laga joogo 15 sanno ,iyadoo wixii inta ka danbeeyay sheeganaysey sameynta Nidaamka Dimqraadiyada.

Waa maxay Dimqraadiyada Laysku waafaqsanyahay?
(Consociational Democracy) Sannadadii Kontanaadki iyo Lixdameeyadii Qarnigii tagey Xilgii Dagaalkii Labbad ee Addunka ayaa waxaa soo baxay su`aasha Mafhuumka Dimqraadiyada Laysku waafaqsanyahay ama laysla oglyahay ,waxaan lays waydiiey Sidee xuknka looga dhigi kara mid dimqraadiyada oo dagnaansho ku dheehantahy gaar ahaanan Bulshooyinka Kala Issirka beelaha ah ?

Waa fahan cusub oo ka duwan Dimqraadiyadii Gabowdey ee ay adeegsan Jireen dalalka reer galbeedku taaso siin jirtay xukuumada cudud dhaqaale oo xoogan isla-markaana  bulshada ku dheqan kala saraysiin jirtay dhanka Dhaqaale ,waaxney xukuumduhu haysteen awooda shacabka kuwaaso Kooto ku haystay siyaasa Xibil xaakimka ,iyagoo Muxaafidku markaste gacnta sare yeelan jirey ,sida manta ka taagan Wadamda afrika intaan wali aan la haysan salaamka dimqraadiayda .

Hadba waxaa dhici jirey Maadamo ay Xisbul Xaakumku Haysto khasnnada Dowlada waxaa uu ku tagarfalaan awooda maamulka  (Xisbiga Muxafidka iyo Shaqaalaha eeBritan ,Jamhuuriga iyo dimqraadiga ee Maraykanka Iyo Shuuciyiinta  dalalka Jarmalka ,Faransiiska Iyo Talyaaniga) aayana ka mid ahaa kuwaaso .
 Axsaabtaasi waxay haystaan Hanti aad u badan kuwaaso Lagag Cawdo marksta ,waxay  Fan aad u badn Galiyaa  xilyada Ololaha Doorashooyinka iyo isku balaadhinta dhamaan gobalda dalka ,Inagoo soo dhaweynayan Fahanka Labbadan Dimqraadiyado kala Huwanyihiin Tan Wadankeena Ka Jirta Iyo Tan ku yar caalmka ee laysla ogolyahay .

Waxaynu dib ugu yara noqonaynaa asaaasayaashi Mabda Iyo Fahanka ay leedahay Habka Maamul iyo maaren ee Dimqraadiyada ayaa ahaa kuwa ku soo biirey Lixdameeydii Qarnigii Kow iyo Labtanaad .Professor Arend Lijphart waxaa ahaa mid ka mid ah raggi ku takhsuusay cilmgan siyaasada waxaa ah macalin ku talax tagey cilmiga  Siyaasaddaa  kaaso Buugag badn ka qoray waxanu ka Hawulgalaijirey Jaamacadda California isagoo qaatay Abaal Marinta (Johan Skytte) bugagiisi u horeeyay waxaa uu qoray 1968 Buugisa ugu Raad-reebka Badan(The Politics of Accommodation; Consociational Democracy; Democracy in Plural Societies) kaaso soo baxay 1977  waxaa uu buugaas ku qeexaya Lijphart  Dimqraadiyada Lagu midaysanyahay (Consensus Democracy)

Waxney Mabdda Fiqhiga islaamku ka sheegaya eryga "الإجماع))    marka diinta na suuban la eegayo Xukunka shay waxaa Marka kowaad la soo Qaata Daliilka Quraan,waxna ku Xiga Sunnadi Nabigeen(s)kaalinta saddexaad wa ku jiraa ijmaac waxa lagu midaysanyahay ,waxaaney Culmada Qaar ka soo dheegtan Halakaas .
Qaabka ay siyaasadeenu manta ku dhisan tahay ayaan waafaqsaneyn Dimqraadiyda eynu ka soo sheekayney taaso wadmo aad u yar ka hirgeshay sida Holand iyo Denmerk waxaaney Habka loo adeegsada la jaanaqaadaysa.fahankaa guud ee siyaasdaha loo adeegsada caalmka manta aaynu ku soo noqona Dalkeena Hooyo .

Bar Bilowgii Dimqraadiyada :

Tobban sanno ayaa laga jooga markii Doorashadii Ugu Horeysay ee Somaliland Guudkeeda lagu Qabtoo oo aheyd tii Golaha deeganka taaso ku dhamaatay si Nabadgaliyo ah waxaana doorashadaas ku kala baxay ururada ku tartamayey iney Noqdaan Axsaab Qaran iyadoo ay ku soo baxeen saddaxdii Xisbi Qaran ee Somaliland Ugu Horeeyay –Udub,Kulmiye ,Ucid ,Waxaa dalka ka dhacay Isbadal balaadhan taaso soyaalki Siyaasada iyo siiyaalkedi ba badley waxa halkaas ka soo Borqatay Dimqraadiyda iyadoo lag baxay Qaybyaaldi iyo Xalkii siyaasadeed ee u laaha wadankina taa Badalkeedii-na noqday Riyadku oo Qabtaan Midida Daabkeeda Una Haya Rayidka Maamulka Macanaheeduna Yahay Waxa ay doonayaan shacbka Ama Aqlabiyada Dadku Inuu Korayo Kursiga Maddaxtooyada .

Guddoomiyaha Hore ee maxkamadda sare ee Somaliland Md. Siciid Faarax isagu wakhtiga  ku dhawaaqay natiijadii rasmiga ahayd ee Doorashadii 2003-4-14 ka dhacdey dalka Somaliland. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku guulaystay kursiga madaxweynenimo iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ku guulaystay jagada madaxweyne ku xigeenka Somaliland". Waxay na Gudoomiyhu tibaaxay inuu Xisbiga Udub codad ka badan 80  kaga guulaysty kulmiye .

Markii ay Fushay doorashado saatayn dhabddi horumarka iyo Hufnaanta Shacbkii u Rabtaankiiso oo u rumoobay ileen waxaa lagu jiray tijaabidi kowaade ee kala saarista Hogaamiyihi dalka xukmi lhaa shanta sanno ee soo socda waxaana HergaleyHanaanka Dimqraadiyada oo Maalin-ba Maalinta ka danbeysa Xukuumad la jaanqaadeysay tubbtan Cusub oo aaney hore soomaalidu si sax uga hergalin waxaana la ilaalineyay Masuuliyada  Bulshada oo ah kala Xadeynta iyo Kala saarista waxii ka soo baxa Nidaamkasa tusaale ahaan Hadii aad tiraahado waxaan doona ayaan odhanyaa ”Xoriyatul-qawul “ waxaad helaysaa taa badelkeeda oo ah ka dowbaxa sharciga uga yaala dalka .

Waxay sidii ahaataba waxaa soo shaac baxey dhamaadki Mudadi dhamaatey ee Xukuumadii Riyaale Iney garan weydo Doonista iyo rabitaanka shacabka oo ah in la Qabto Doorashadi Madaxtooyada isla markaan sida dunnida kale la ilaaliyo waqtiga Dahabiga ah ee Haddi Ilbidhiqsi ku dhaafo dib u soo laabaneyn iyadoo Golaha guurtida Somaliland oo aaney wali ka dhamaan  Garta Xalka lagu dhmeeyo laguna  soo waday dowladihii hore waxaaney soo saareen waa gurtidiye Go`aan  ay  isla afgarteen in loo kordhiyo madaxweyne Riyaale Muddo Sannad ah ,taaso ay aamin sanyihiin Dadak u dhuun daloola  siyaasada Somaliland Halkii Laga Raacay Xukuumad Rayaale oo ku wayday Taageerayal Badan kuwaaso codadkoogi dib ula noqday .
Waxaa Muran ka Dhashay ka Qabsoomay Doorashadi Madaxtooyada Tii labbaad oo laysku khilaafsanaa  Xubnaha Matalaya Koomishanka Doorashooyinka Oo markii Danbe Ku soo-afmeerantay si-xal ah waxaan Md Daahir Riyaale Kaahin 2009-10-19 si buuxda u ogolaaday 7 xubnood ee koomishanka kuwaaso ilaa waqti Xaadirkan Haya ,waxy qabteen   Doorashadii 2010-6-26 oo Codaqlabiyad ah ku helay Xibiga Talada Haye Kulmiye Waxaan Kursiga Madaxweynaha kurey Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo),taasi Xarago iyo Wanaaga Hufnaan Daacdnimo ku dheehantahay Uu ku Aqbalay Madaxweynihii Hore Md Riyaale Waxaan Warbaahinta Caalmku Falaqeynteeda Xafladi Quraxda badneyd ee lagula kala wareeyay xilka taaso ay ka soo Qeyb-galeen Wufuud aad u tira badan oo ka kalasocday  Ethiopia ,Kenya ,Djibouti saraakil sare sare oo ka soctay Qarmada midoobay sido kale waxa ku sugna golyaasha sharci dajinta ,waxaaney si fiican uga khudbadeeyay Madaxweynihi 3aad Somaliland iyo  kii 4aad Md Siilanyo .

Madaxweynaha Hore Md Dahir Riyaale Kaahin wuxuu aad ugu faanay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee dimuqraadiyada iyo doorashadaba ka hirgaliyay Somaliland. noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilka si dimuqradiyad ah ku wareejiyay.
Madaxweyne Riyaale waxaa u kaaba Galiyey Dimqraadiyada Somaliland Walow ay marmar waxaan sa ubuurneyn Dhici jireen hase ahaate waxaa meel adag ka istaagey Hirgalinta Xariiqi uu uga Tagey Madaxeynihii Ka Horeyay saasan waxaa ku Fadhiistay Biyiihi Inta Badan Laga Ilaalinyey Rogmashadooda .

Heerka Maanta :

Heerka ay manta Marayso Dimqradiydii Ka-hana Qaadey dalkan ee uu ku faaneyay Madaxweynihii Hore Waxay Maanta maraysa Meel Adag ,iyadoo Xukuumada amintan la joogo dalka Hogaanikiisa U haysay Muddo Ku dhow 30 Bilood ay Ku Fikiraysey Sidii ay u dhaafi Laheyd Bartii ay ka sii Anba-qaadeen Taaso  Madaxweyne Siilanyo  Dabarka ka Furey Mar-labaad Ururadi iyo doorashadii Golaha Diiganka oo is barkan taaso ay kusoo baxayeen saddex Xibigi qaran ugu horeyntii waxay ku bilaabntay guddi loo saarey sidi ay u eegi lahaayen rabitaanka shacabka oo sideynu Hore-ba u sheegney Haya Midda Daabkeeda kuwaaso soo doortay Md Madaxweyne Siilanyo waxaana waqti ka dib laysla gartay in dabark laga jaro urarada u tartamya 3 xisbi qaran .

Talaabadan ay ku kacday Xukuumadu ayaa Marka Dhinac laga eedo noqoneysa mid togan Maadamo ay Xisbiyadii hore ee tobanka sanno dhexmushaaxayey siyaasada Somaliland ay noqdeen Qaar kooto u ah cid gaar ah-na ku dhexmushaaxi jirtaya siyaasada ,dhanka kale-na waa mid toggan oo waxey dib Boodhka uga  tumtey Qabyaaladii muddo la soo sasabey sidii dalka looga tirttiri lahaa taaso loogu soo gabaneeyay Dimqraadiyada oo waata manta muuqta Midhaheed .

gudida diwaangalinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka ee uu madaxweynuhu soo xulaya aayaa bilaabey shaqadoodi Marxaldii kowaad-na waxay noqtay is Diwaangaliyen 15 ururo siyaasdeed oo  bilowgii hore-ba gudidu kala reebeen  urur-ada oo ay u eegayeen cod madax-taabasho ah oo gobalkasta iyo sidoo kale inuu urur walba ku lahaado gobalkasta Xafiis .Waxaan isku soo hadhay 9 uruur oo markii danbe doorashada ka qeyb-galkeeda qaadaceen  Urura-da Udub iyo Nasiye .

Doorashadii Dhacaday waxey ku dhamaatay si nabad galiyo ah balse waxaa marun dhaliyey sidii ay wax u wadeen koomishanka qaranku oo Ururada siyaasada Qaarkood ku dhaleeceeyen isdabamarin iyo kushubasho aan xishood laheyn waxaan ururada qeerkood-Ummad ,Xaqsoor ,Rays – ka cawdeen gobalda iyo deegamada qaar isla markaan waxaana Halkaa ka bilaabey dib u noqashada iyo hoos u dhaca Dimqraadiyadii Tobbanka sannadod Raad Barsho iyo socdba ku soo gaadhey doorashadii ay u riyaaqeen 

caalmku ee Xilka kula kala wareegay Madaxweynihii hore iyo Madaxweyne Siilanyo .
Waxaye Koomishanka doorashooyinku si fiicana loogu amaaney sidii ay u qabteen doorashadii Madaxtooyada ee Kal Hore taaso Dal Iyo dibad-ba si Heer sara ah loogu soo Habalyeey ,Maxaa Is badley doorasho dalka ka dhacdo oo wali mudahraad iyo  Qalaalso dalka galis Abid Tan ka Hore Lam Arag Waxaaney Natiijadii Doorashada Golayaasha Deeganka ee 2012-11-28 ka Qabsoontay Ku dhawaaqistii Dagmada Hargeisa Keentay Dimasha Iyo Dhaawac Dad da`yer ah oo waxa Galbsan ku Nafwaayeen iyadoo Xukuumad tallada haysaana aaney waxa tacsi ah u dirin Ehelkii ay ka bexeen dhalinyartaasi .

Biyahu waxay kusoo shubmayaan Meel wadadoodi aheyn  taaso  la rabey  daadku inu maro  marin kii saxda haa ,isku soo wada duuba Heerka Maanta waxaa Markasta iyo goorwalba ku soo cusboonada dhawaaq aad ku arkeyso warbaahinta Ha Ahaato Xeeraka La Hor geeyo Labbada gole Qaran Guurtida iyo wakiilada sida Xeerka Bangiyada –Saxaafada  iyo tan manta taagan oo si aad dadweynuhu u saluugeen sidii ay kus oo gabagabowday Doorashdii u horeysey  ee Dowlada uu gadhwadeenka ka yahay siilnyo Qabto .
Iyadoo Madaxweynuhu Markstoo la waydiiyo doorashada uu iskaga leexineyey Koomishanka balse aaney aheyn wax macquul ah in madaxweynuhuu u Hadlo sidii aanu warba u hayn dalka xaaladiisa isagoo isku dhaafinaya kulmiye iyo xukuumadi may aheyn kuwa leh goo`anka doorashada .
Gunaannad

Shacabku waxey doonayaan xal waara in laga gaadho dhimashada iyo dhiiga daadaneya Haddi Saddex qof mudahraadan taaso laga dhaxley xumkuumadan iyo tii ka horeysayba si loo Helo Ciidamda Ka hortaga rabshada –Shaqab – geesta kalana waxay  leeyihiin waxaan xal iyo Gar-ba uga fadhinaa dadkii aan soo dooraney saarney fadhiisiney Kursiga Dimqraadiyado Ogoowo Akhriste Bahasheynu Ka sheekeynayena Iyagaa Hormuud Ka ah – Dimqradiyda- Waad Aragteen wax ka dhacey Masar Maantana Taagan hadey bilaaban-tana Xalkeedo maah mid si sahalan lagu qaboojin karo waa wada Furantay kii shalay lagu soo dooratay doorashad xalaasha ah ee Masara –Madaxweyne Mursi-ga Masar – Ayaa Maanta-na La diidanyehey Maamulkiisa Hadaba Mataasaynu Doonayna ,waxaan ku soo koobaya oon leyahay Xukuumada Biyo Fadhiya Lam Kiciye Dadka iyo Danta Dalka Idanka marwal-ba Masiirkeeda lah Cadaalad-na Ha la Ilaaliyo oo u dhaxeeya Koomishanka iyo Urura-da si dhex-dhexaadnimo ah Kalsooniyo iyo Hanaanka toosan ee hore laydinku dhiibay-na xadkeeda ilaaliya ,shacabkuna markaasey helyaan hanuunka wadadii Bar Bilowgeeda aynu ka soo warenay .

Maxamuud Askar
moaskar@gmail.com