![]() |
Md Axmed Maxamed maxamuud siilanyo |
Amaanka
xarunta Golaha wakiillada iyo Madaxtooyada ayaa aad loo adkeeyey
waxaana hiirtii hore ee xalayba wadooyinka ku xeeran Madaxtooyada iyo
xarunta Golaha Baarlamaanka la soo dhigay ciidamo farabadan oo ku
heeryeysan qoryaha fudud ee AK47 ah iyada oo la arkayey gaadka ciidamada
Booliska oo si weyn u gaaf wareegayey isla markaana aad u baadhayey
gaadiidka maraya waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa.
“walaalahayga
Somaliya waxaan ugu baaqayaa inay ka dheeraadaan wixii dhaawici karaya
wada hadalladii la dhacay magaalada London isla markaana ay xoojiyaan
walaalnimada iyo jaarnimada inaga dhaxaysa” ayuu khudbadiisa ku soo
afmeeray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaano.
Gudoomiyaha
Golamaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] oo xafladdaasi ku furay hadal
kooban waxa uu sheegay inay tahay munaasibadani mid ay ku soo
dhaweynayaan khudbadda Madaxweynaha ee sida uu dastuurka dalku sheegayo
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay tahay inuu jeediyo khudbadda noocan oo
kale ah sandkiiba hal mar.
“Maanta
sida uu tilaamayo qodobka 4aad ee faqrada 6aad Madaxweynuhu waxa uu
Horyimid Golayaasha Baarlamaanka” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi [Cirro] Aayadihii Qur’aanka ahaa ka dib waxaa
halkaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland oo halkaa ka jeediyey
khudbadiisii sanadka 2013-ka.
“Mudane
Gudoomiye adiga iyo shirgudoonka labada gole,mudanayaasha labada Gole
iyo warbaahinta waan idin salaamayaa waxaanan idiinka mahad celinayaa
sidii qiimaha lahayd ee aad noola shaqayseen taasi oo aanay suurto gal
noo noqoteen hormarkii fiicnaa ee uu qarankani gaadhay hadii aydaan nala
shaqaynin” ayuu yidhi Mr Siilaanyo,dhanka kalana waxa uu ka hadlay
arrimihii doorashooyinkii Dawldaha hoose ee dhacay dhawaan isaga oo ka
horeysiiyey inuu isagu albaabada u furay tartankii xalaasha ahaa ee uu
ugu ogolaaday markii uu xilka Madaxweyne nimada dalka ku guuleystay.
“Somaliland
waxay halkaa ku soo gaadhay isu samir iyo oday samotalis ah” ayuu yidhi
Madaxweyne Siilaanyo waxaanu soo hadal qaaday hadal qaaday raggii
madaxda u ahaa ururradii dhacay ee laga guuleystay gaar ahaan Dr Maxamed
Cabdi Gaboose.Xasan Maxamed Cali Gaafhaadi,iyo Ismaaciil Aadan Cismaan
balse Madaxweyne Siilaanyo maamu soo hadal qaadin Xasan Ciise Jaamac oo
kamid ahaa raggii hadhay ee hogaamiyaha u ahaa ururrkii Xaqsoor.
“waxaan
si gaara ugu hambalyeynayaa ragii madaxda ka ahaa ururradii hadhay oo
si wanaagsan ku aqbalay in laga guuleystay Dr Maxamed Cabdi
Gaboose,Xasan Gaafaadhi iyo Ismaaciil Aadan Cismaan oo aan ugu
hanbalyenayo sidii wanaagsanady ee ay u aqbaleen natiijadii ka soo
baxday doorashooyinkii lagaga guuleystay” ayuu yidhi Madaxweyne
Siilaanyo.
“Arrimihii
wada hadalladii Somaliland iyo Somaliya waxay ahaayeen guul weyn uu
Somaliland u soo hooyatay” ayuu yidhi Mr Siilanayo waxaanu intaa ku
daray “Dawladda cusub ee Somaliya waxaanu jecelahay inay noo dhaxayso
wada shaqayn iyo jaarnimo wanaagsan” ayuu yidhi waxanau intaa kud aray
“waxaan ka rajaynayaa Dawladda Somaliya inay garwaaqsadaan inay
Somaliland garwaaqsatay gooni isutaageeda” ayuu yidhi “anagu ma nebcin
xasadna kuma ninhin wixii u kordhay Somaliya” ayuu yidhi Madaxweyne
Siilaanyo.
Dhanka
kalana waxa uu xusay inaysan jirin wax iska badalaya xidhiidhkii
Somaliland iyo Maraykanka iska oo halkaa ka akhriyey qoraal kooban oo
ka soo gaadhay Dawladda Maraykanka balse waxa uu xusay inaysan ahayn wax
ku habnoonaa dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Dawladda UK “Dawladda
Ingiriiska waxaa naga dhexaynjiray xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ahaa
balse wixii ka soo yeedhay dhawaan Dawladda Ingiriiska muu ahayd wax ku
haboonaa” ayuu yidhi Mr Siilaanyo.
Dhanka
kalana waxa uu sheegay inaanu ahayn ictiraafku wax si dhibyar lagu
helayo isla markaana meell laga soo qaadayo balse uu yahay ninka uu
shacabka Somaliland u igmaday raadintiisa “Gudoomiye iyo mudanayaasha
sharafta leh arrimaha Ictiraafku maaha wax sahal ama meel uun laga soo
qaadayo balse waxaan oganay inaan ahayn ninka ay shacabka Somaliland u
ogmadeen albaabo bandanna waan agaaray haddana waan sii wadayaa oo ka
daalimaayo balse waxaan idinka rajaynayaa taageeradiina” ayuu yidhi Mr
Siilaanyo.
Madaxweyne
Siilaanyo waxa uu ka si balaadhan uga warramay arrimaha ku aadan wax
qabadkii Xukuumaddiisu ku talaabsatay intii ay jirtay waxaana kamid ahaa
qodobadii uu carabka ku adkeeyey inuu xukuumaddiisa ka midyahay
Gudoomiyihii ururrkii SCC Mr Xaglotoosiye oo dhawaan wadahadalo dheer ka
dib ku qancay inuu qoriga iska dhigo kuna soo biiro maamlulka
Somaliland isaga oo sidoo kalana soo hadal qaaday arrimaha nabad
galiyada,arrimaha dibadda,siyaasadda Somaliland eek u wajahan la
macaamilka waddamada reer Gableedka,Maraykanka iyo kuwa Midawga Africa
isaga oo sidoo kalana soo hadal qaaday inay xukuumaddiisu sanadkan u
qorshaysay 38 mashruuc Gobalada Bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag Bari.
Madaxweyne
Siilaanyo waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda iyo qaabka
loo wajihidoono waxaanu sheegay inaysansan doorashadaasi dhicidoonin in
lagu galo diiwaan galin la’aan balse waxa uu carabka ku dhuftay inay
dalka dhiiggbax ku tahay in sanad gudihii lagu qabtay Diiwaan galin iyo
laba doorasho mida Golaha Baarlamaaka,Golaha Guurtida iyo tan
Madaxweynaha uu sheegay inay dhicidoonto sanadka 2015.
Madaxweyne
Siilaanyo waxa uu meesha ka saaray tuhun iyo nux nux waaydanba laysla
dhexmarayey taasi oo ah inuu doonayo in loo kordhiyo wakhtigiisa uu sii
fadhin doono kursiga Madaxweyne nimada Somaliland waxaanu sheegay inaanu
diyaar u ahayn in maalin kaliya loogu daro wakhtigiisa inta uga hadhay
hadii ay dhamaanto “Gudoomiye iyo mudanayaasha sharafta leh waxaan idiin
sheegayaa oo aan meeshan ka cadaynayaa inaanay waxba kajirin inaan
doonayo in la iigu daro wakhti dheeraad ah mudadii la ii doortay isla
markaana aanan diyaar u ahayn in maalin kaliyana la Iigu daro” ayuu
yidhi Madaxweyne Axmed Siilaano.
Madaxweyne
Siilaanyo waxa uu sheegay inaysan joogin Somaliland maalin loo warwaro
arrimaheeda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maanta
Somaliland ma joogto meell looga warwaro arrimaheeda siyaasadeed
waxaananka midho dhalin doonaa jidkii dheeraa ee aan u soo maray
madaxbanaanideena hadii ay 100 sano nagu qaadanayso” ayuu yidhi.