Suxufi Maxamuud askar |
Wakhtiyda qaar waxay soomartay doorashada
madaxweyne in halbeegedu noqdo Far utaagida Golaha Guurtida Somaliland taaso
laga joogo 15 sanno ,iyadoo wixii inta ka danbeeyay sheeganaysey sameynta
Nidaamka Dimqraadiyada.
Waa maxay Dimqraadiyada Laysku waafaqsanyahay?
(Consociational Democracy)
Sannadadii Kontanaadki iyo Lixdameeyadii Qarnigii tagey Xilgii Dagaalkii Labbad
ee Addunka ayaa waxaa soo baxay su`aasha Mafhuumka Dimqraadiyada Laysku
waafaqsanyahay ama laysla oglyahay ,waxaan lays waydiiey Sidee xuknka looga
dhigi kara mid dimqraadiyada oo dagnaansho ku dheehantahy gaar ahaanan Bulshooyinka
Kala Issirka beelaha ah ?
Waa
fahan cusub oo ka duwan Dimqraadiyadii Gabowdey ee ay adeegsan Jireen dalalka
reer galbeedku taaso siin jirtay xukuumada cudud dhaqaale oo xoogan
isla-markaana bulshada ku dheqan kala
saraysiin jirtay dhanka Dhaqaale ,waaxney xukuumduhu haysteen awooda shacabka
kuwaaso Kooto ku haystay siyaasa Xibil xaakimka ,iyagoo Muxaafidku markaste
gacnta sare yeelan jirey ,sida manta ka taagan Wadamda afrika intaan wali aan
la haysan salaamka dimqraadiayda .
Hadba
waxaa dhici jirey Maadamo ay Xisbul Xaakumku Haysto khasnnada Dowlada waxaa uu
ku tagarfalaan awooda maamulka (Xisbiga
Muxafidka iyo Shaqaalaha eeBritan ,Jamhuuriga iyo dimqraadiga ee Maraykanka Iyo
Shuuciyiinta dalalka Jarmalka
,Faransiiska Iyo Talyaaniga) aayana ka mid ahaa kuwaaso .
Axsaabtaasi waxay
haystaan Hanti aad u badan kuwaaso Lagag Cawdo marksta ,waxay Fan aad u badn Galiyaa xilyada Ololaha Doorashooyinka iyo isku
balaadhinta dhamaan gobalda dalka ,Inagoo soo dhaweynayan Fahanka Labbadan
Dimqraadiyado kala Huwanyihiin Tan Wadankeena Ka Jirta Iyo Tan ku yar caalmka
ee laysla ogolyahay .
Waxaynu
dib ugu yara noqonaynaa asaaasayaashi Mabda Iyo Fahanka ay leedahay Habka
Maamul iyo maaren ee Dimqraadiyada ayaa ahaa kuwa ku soo biirey Lixdameeydii
Qarnigii Kow iyo Labtanaad .Professor Arend Lijphart waxaa ahaa mid ka mid ah
raggi ku takhsuusay cilmgan siyaasada waxaa ah macalin ku talax tagey
cilmiga Siyaasaddaa kaaso Buugag badn ka qoray waxanu ka
Hawulgalaijirey Jaamacadda California isagoo qaatay Abaal
Marinta (Johan
Skytte) bugagiisi u horeeyay waxaa uu qoray 1968 Buugisa ugu Raad-reebka
Badan(The Politics of Accommodation; Consociational Democracy; Democracy in
Plural Societies) kaaso soo baxay 1977
waxaa uu buugaas ku qeexaya Lijphart
Dimqraadiyada Lagu midaysanyahay (Consensus Democracy)
Waxney
Mabdda Fiqhiga islaamku ka sheegaya eryga "الإجماع)) marka diinta na suuban
la eegayo Xukunka shay waxaa Marka kowaad la soo Qaata Daliilka Quraan,waxna ku
Xiga Sunnadi Nabigeen(s)kaalinta saddexaad wa ku jiraa ijmaac waxa lagu
midaysanyahay ,waxaaney Culmada Qaar ka soo dheegtan Halakaas .
Qaabka
ay siyaasadeenu manta ku dhisan tahay ayaan waafaqsaneyn Dimqraadiyda eynu ka
soo sheekayney taaso wadmo aad u yar ka hirgeshay sida Holand iyo Denmerk
waxaaney Habka loo adeegsada la jaanaqaadaysa.fahankaa guud ee siyaasdaha loo
adeegsada caalmka manta aaynu ku soo noqona Dalkeena Hooyo .
Bar Bilowgii Dimqraadiyada :
Tobban sanno ayaa laga jooga markii Doorashadii
Ugu Horeysay ee Somaliland Guudkeeda lagu Qabtoo oo aheyd tii Golaha deeganka
taaso ku dhamaatay si Nabadgaliyo ah waxaana doorashadaas ku kala baxay ururada
ku tartamayey iney Noqdaan Axsaab Qaran iyadoo ay ku soo baxeen saddaxdii Xisbi
Qaran ee Somaliland Ugu Horeeyay –Udub,Kulmiye ,Ucid ,Waxaa dalka ka dhacay
Isbadal balaadhan taaso soyaalki Siyaasada iyo siiyaalkedi ba badley waxa
halkaas ka soo Borqatay Dimqraadiyda iyadoo lag baxay Qaybyaaldi iyo Xalkii siyaasadeed
ee u laaha wadankina taa Badalkeedii-na noqday Riyadku oo Qabtaan Midida
Daabkeeda Una Haya Rayidka Maamulka Macanaheeduna Yahay Waxa ay doonayaan
shacbka Ama Aqlabiyada Dadku Inuu Korayo Kursiga Maddaxtooyada .
Guddoomiyaha Hore ee maxkamadda sare ee Somaliland Md. Siciid
Faarax isagu wakhtiga ku dhawaaqay
natiijadii rasmiga ahayd ee Doorashadii 2003-4-14 ka dhacdey dalka Somaliland.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku guulaystay kursiga madaxweynenimo iyo Md. Axmed
Yuusuf Yaasiin oo ku guulaystay jagada madaxweyne ku xigeenka Somaliland".
Waxay na Gudoomiyhu tibaaxay inuu Xisbiga Udub codad ka badan 80 kaga guulaysty kulmiye .
Markii ay Fushay doorashado saatayn dhabddi
horumarka iyo Hufnaanta Shacbkii u Rabtaankiiso oo u rumoobay ileen waxaa lagu
jiray tijaabidi kowaade ee kala saarista Hogaamiyihi dalka xukmi lhaa shanta
sanno ee soo socda waxaana HergaleyHanaanka Dimqraadiyada oo Maalin-ba Maalinta
ka danbeysa Xukuumad la jaanqaadeysay tubbtan Cusub oo aaney hore soomaalidu si
sax uga hergalin waxaana la ilaalineyay Masuuliyada Bulshada oo ah kala Xadeynta iyo Kala
saarista waxii ka soo baxa Nidaamkasa tusaale ahaan Hadii aad tiraahado waxaan
doona ayaan odhanyaa ”Xoriyatul-qawul “ waxaad helaysaa taa badelkeeda oo ah ka
dowbaxa sharciga uga yaala dalka .
Waxay sidii ahaataba waxaa soo shaac baxey
dhamaadki Mudadi dhamaatey ee Xukuumadii Riyaale Iney garan weydo Doonista iyo
rabitaanka shacabka oo ah in la Qabto Doorashadi Madaxtooyada isla markaan sida
dunnida kale la ilaaliyo waqtiga Dahabiga ah ee Haddi Ilbidhiqsi ku dhaafo dib
u soo laabaneyn iyadoo Golaha guurtida Somaliland oo aaney wali ka dhamaan Garta Xalka lagu dhmeeyo laguna soo waday dowladihii hore waxaaney soo saareen
waa gurtidiye Go`aan ay isla afgarteen in loo kordhiyo madaxweyne
Riyaale Muddo Sannad ah ,taaso ay aamin sanyihiin Dadak u dhuun daloola siyaasada Somaliland Halkii Laga Raacay
Xukuumad Rayaale oo ku wayday Taageerayal Badan kuwaaso codadkoogi dib ula
noqday .
Waxaa Muran ka Dhashay ka Qabsoomay Doorashadi
Madaxtooyada Tii labbaad oo laysku khilaafsanaa
Xubnaha Matalaya Koomishanka Doorashooyinka Oo markii Danbe Ku
soo-afmeerantay si-xal ah waxaan Md Daahir Riyaale Kaahin 2009-10-19 si buuxda
u ogolaaday 7 xubnood ee koomishanka kuwaaso ilaa waqti Xaadirkan Haya ,waxy
qabteen Doorashadii 2010-6-26 oo
Codaqlabiyad ah ku helay Xibiga Talada Haye Kulmiye Waxaan Kursiga Madaxweynaha
kurey Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo),taasi Xarago iyo Wanaaga Hufnaan
Daacdnimo ku dheehantahay Uu ku Aqbalay Madaxweynihii Hore Md Riyaale Waxaan
Warbaahinta Caalmku Falaqeynteeda Xafladi Quraxda badneyd ee lagula kala
wareeyay xilka taaso ay ka soo Qeyb-galeen Wufuud aad u tira badan oo ka kalasocday Ethiopia ,Kenya ,Djibouti saraakil sare sare
oo ka soctay Qarmada midoobay sido kale waxa ku sugna golyaasha sharci dajinta
,waxaaney si fiican uga khudbadeeyay Madaxweynihi 3aad Somaliland iyo kii 4aad Md Siilanyo .
Madaxweynaha Hore Md Dahir Riyaale Kaahin wuxuu aad ugu faanay inuu noqdo madaxwaynihii
ugu horeeyay ee dimuqraadiyada iyo doorashadaba ka hirgaliyay Somaliland.
noqdo madaxwaynihii ugu
horeeyay ee xilka si dimuqradiyad ah ku wareejiyay.
Madaxweyne Riyaale waxaa u kaaba Galiyey
Dimqraadiyada Somaliland Walow ay marmar waxaan sa ubuurneyn Dhici jireen hase
ahaate waxaa meel adag ka istaagey Hirgalinta Xariiqi uu uga Tagey Madaxeynihii
Ka Horeyay saasan waxaa ku Fadhiistay Biyiihi Inta Badan Laga Ilaalinyey
Rogmashadooda .
Heerka Maanta :
Heerka ay manta Marayso Dimqradiydii Ka-hana
Qaadey dalkan ee uu ku faaneyay Madaxweynihii Hore Waxay Maanta maraysa Meel
Adag ,iyadoo Xukuumada amintan la joogo dalka Hogaanikiisa U haysay Muddo Ku
dhow 30 Bilood ay Ku Fikiraysey Sidii ay u dhaafi Laheyd Bartii ay ka sii
Anba-qaadeen Taaso Madaxweyne
Siilanyo Dabarka ka Furey Mar-labaad
Ururadi iyo doorashadii Golaha Diiganka oo is barkan taaso ay kusoo baxayeen
saddex Xibigi qaran ugu horeyntii waxay ku bilaabntay guddi loo saarey sidi ay
u eegi lahaayen rabitaanka shacabka oo sideynu Hore-ba u sheegney Haya Midda
Daabkeeda kuwaaso soo doortay Md Madaxweyne Siilanyo waxaana waqti ka dib
laysla gartay in dabark laga jaro urarada u tartamya 3 xisbi qaran .
Talaabadan ay ku kacday Xukuumadu ayaa Marka
Dhinac laga eedo noqoneysa mid togan Maadamo ay Xisbiyadii hore ee tobanka
sanno dhexmushaaxayey siyaasada Somaliland ay noqdeen Qaar kooto u ah cid gaar
ah-na ku dhexmushaaxi jirtaya siyaasada ,dhanka kale-na waa mid toggan oo waxey
dib Boodhka uga tumtey Qabyaaladii muddo
la soo sasabey sidii dalka looga tirttiri lahaa taaso loogu soo gabaneeyay Dimqraadiyada
oo waata manta muuqta Midhaheed .
gudida diwaangalinta ururada iyo ansixinta
axsaabta qaranka ee uu madaxweynuhu soo xulaya aayaa bilaabey shaqadoodi
Marxaldii kowaad-na waxay noqtay is Diwaangaliyen 15 ururo siyaasdeed oo bilowgii hore-ba gudidu kala reebeen urur-ada oo ay u eegayeen cod madax-taabasho
ah oo gobalkasta iyo sidoo kale inuu urur walba ku lahaado gobalkasta Xafiis
.Waxaan isku soo hadhay 9 uruur oo markii danbe doorashada ka qeyb-galkeeda qaadaceen
Urura-da Udub iyo Nasiye .
Doorashadii Dhacaday waxey ku dhamaatay si nabad
galiyo ah balse waxaa marun dhaliyey sidii ay wax u wadeen koomishanka qaranku
oo Ururada siyaasada Qaarkood ku dhaleeceeyen isdabamarin iyo kushubasho aan
xishood laheyn waxaan ururada qeerkood-Ummad ,Xaqsoor ,Rays – ka cawdeen
gobalda iyo deegamada qaar isla markaan waxaana Halkaa ka bilaabey dib u
noqashada iyo hoos u dhaca Dimqraadiyadii Tobbanka sannadod Raad Barsho iyo
socdba ku soo gaadhey doorashadii ay u riyaaqeen
caalmku ee Xilka kula kala wareegay
Madaxweynihii hore iyo Madaxweyne Siilanyo .
Waxaye Koomishanka doorashooyinku si fiicana loogu
amaaney sidii ay u qabteen doorashadii Madaxtooyada ee Kal Hore taaso Dal Iyo
dibad-ba si Heer sara ah loogu soo Habalyeey ,Maxaa Is badley doorasho dalka ka
dhacdo oo wali mudahraad iyo Qalaalso
dalka galis Abid Tan ka Hore Lam Arag Waxaaney Natiijadii Doorashada Golayaasha
Deeganka ee 2012-11-28 ka Qabsoontay Ku dhawaaqistii Dagmada Hargeisa Keentay
Dimasha Iyo Dhaawac Dad da`yer ah oo waxa Galbsan ku Nafwaayeen iyadoo Xukuumad
tallada haysaana aaney waxa tacsi ah u dirin Ehelkii ay ka bexeen
dhalinyartaasi .
Biyahu waxay kusoo shubmayaan Meel wadadoodi
aheyn taaso la rabey
daadku inu maro marin kii saxda
haa ,isku soo wada duuba Heerka Maanta waxaa Markasta iyo goorwalba ku soo
cusboonada dhawaaq aad ku arkeyso warbaahinta Ha Ahaato Xeeraka La Hor geeyo
Labbada gole Qaran Guurtida iyo wakiilada sida Xeerka Bangiyada –Saxaafada iyo tan manta taagan oo si aad dadweynuhu u saluugeen
sidii ay kus oo gabagabowday Doorashdii u horeysey ee Dowlada uu gadhwadeenka ka yahay siilnyo
Qabto .
Iyadoo Madaxweynuhu Markstoo la waydiiyo
doorashada uu iskaga leexineyey Koomishanka balse aaney aheyn wax macquul ah in
madaxweynuhuu u Hadlo sidii aanu warba u hayn dalka xaaladiisa isagoo isku
dhaafinaya kulmiye iyo xukuumadi may aheyn kuwa leh goo`anka doorashada .
Gunaannad
Shacabku waxey doonayaan xal waara in laga gaadho
dhimashada iyo dhiiga daadaneya Haddi Saddex qof mudahraadan taaso laga dhaxley
xumkuumadan iyo tii ka horeysayba si loo Helo Ciidamda Ka hortaga rabshada
–Shaqab – geesta kalana waxay leeyihiin
waxaan xal iyo Gar-ba uga fadhinaa dadkii aan soo dooraney saarney fadhiisiney
Kursiga Dimqraadiyado Ogoowo Akhriste Bahasheynu Ka sheekeynayena Iyagaa
Hormuud Ka ah – Dimqradiyda- Waad Aragteen wax ka dhacey Masar Maantana Taagan
hadey bilaaban-tana Xalkeedo maah mid si sahalan lagu qaboojin karo waa wada
Furantay kii shalay lagu soo dooratay doorashad xalaasha ah ee Masara
–Madaxweyne Mursi-ga Masar – Ayaa Maanta-na La diidanyehey Maamulkiisa Hadaba
Mataasaynu Doonayna ,waxaan ku soo koobaya oon leyahay Xukuumada Biyo Fadhiya
Lam Kiciye Dadka iyo Danta Dalka Idanka marwal-ba Masiirkeeda lah Cadaalad-na
Ha la Ilaaliyo oo u dhaxeeya Koomishanka iyo Urura-da si dhex-dhexaadnimo ah
Kalsooniyo iyo Hanaanka toosan ee hore laydinku dhiibay-na xadkeeda ilaaliya
,shacabkuna markaasey helyaan hanuunka wadadii Bar Bilowgeeda aynu ka soo
warenay .
Maxamuud Askar
moaskar@gmail.com
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
ReplyDeletesiinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com