Codka Shacabka
“Siilaany Iyo Malas Ictiraaf Maysla Gaadheen “
Maalaamhi la soo dhaafay waxaa saxafda Somaliland aad ay u hadal haysay safirkii u madaxweynhu ku tagay ethopia ,iyo xidhiidhka Somaliland intii hore ma ka sii durki doona ,jawaabtaasna waxa bixiyay Raysalwasaraha Ethiopia Meles ,isagoo ka dhawaajiyey inuu xidhiidhki u lalaha Somaliland ee qotoda dheera uu sii adkeynayo gacan na ka siinyo Ammaanka ,Nanbada ,Ganacsiga ,iyo Isgaadhsiinta, iyadooo ay tahay markii ugu horaysay ee madaxweyne siilaanyo intii la doortay uu kiciitimay xagga jaarka Ethiopai , ayaa wax layis waydiinyaa siilaanyo ma soo dhacsanaya cadkiisa?
Waxaynu ogeyan marxuumkii “Cigaal” ilaahay haw naxariiste inu hashiis uu la galay Meles( 2000) , uu kaga soo saxeexay inay dawlada Ethiopia la tacamulaan lagata Somaliland ,in ay ka caawiyan oo xidhiidh ka sameeyan xagga dulimaadyada oo diyaarda “Ethiopian air line” ay ka soo dagto Hargeisa , in “ bangaga dhexe” ee Ethiopia qayab laga furo Hargeisa , iyadoo qodobka u danbeeya aanay fulin dowlad Meles ,hase ahaate intii kale way ka soo baxaday ,oo shalay bay aheeyad marakii shadaadintu qarxiyeen Hargeisa oo ay joogsatay diyaradi xabashidu 2008.
Mudane madaxweyne waxaa lagaga baahanyahay inaanad marin wadadii ay dowladii hore martya oo kale ,ee aad wax ku soo kordhisaa albaab walba qaraacda oo xidhiidh la samaysa ,howgu horayso dawlada meles ,qodobadii uu cigaal kula heshiiyay meles na bal iyagana inaad bal kuwii hore aya wali maqnyihiin qaarkood intii soo hadhayna al shabab baa baabis oo sas ku riday Ethiopia, xidhiidhkooda marlabaad soo noole ,waxynu nahay dawalad ilaahy ku manaaystay sabir iyo dulqaad waxaynu sugaynay ictiraaf mudo 19 sana ah ,waxaynu samayan waxaan afrika laga aqoon dimquradiayad ,lama arag madaxweyna nool oo inta laga guulaysto wadad iska mara ,lama aqoon tartan axsaab siyaasi oo isku in u jooga dawalada ,laakin ilaahay ba hore u sheego inuu la jiro dadka sabra waana imtaxaan insha allah waxayaraba inoo hadhay ee guntiga dhiisha halaykaga xidho .
Maalmuhu waysabadalayaan ,habeenka dhareer ba badasha ,mugdiga iftiin ba badalaa ,abaarta barwaaqa badasha ,iyadoo laysku soo wareejin doono , balahadaba reer Somaliland waxaa malin dhow soo socta (Waa Ladoogiye Yaan Ladacroon) Bal horta dacrtaa waan soo marnee doogaasunba imka hadhay ,siilaanyo na habeen iyo maalin waxaa laga sugayaa inuu meel iska dhigo siyaasad arimaha gudaha oo ta dibada uu aad u adkeeyo ,sidii wasiirkii arimaha dibada ee shirkii midowga afrika uu diiday cumer al bashiirka sudan inuu mar haday wax Somaliland la idhaa ku jirto meesha aanu ka qeyab galeyn ,taaso kle mar labaad ma’ogolin, wakhti –xaadrkan waxaa loo bahanyahay in la wanaajiyo xidhiidhad oo koonfurta sudan isku qadiyada baynu nahee bal ha loo tagoo xidhiidh fiican ha ba lala sameeyo ,hady go’dana fursad weynba halkaa Somaliland uga furmaysa dowaladaha aadka inooga soo hor jeedan in la soo dhaweeeyo oo aan afka loo burin baa fiican ,hab dublamisyadaysan oo heer sara ah ha loo qaabilo oo dacwado ha loo diro , markaasa kaba fiican ba ictiraafka hadad wax isla oglaatan oo ay ku soo dhaweeyan ,waxay ka dhigantahay inaad qadiyadaadi meel aad gaadhsiisay .
Iyadoo waliba doorashadii kadib ay Somaliland hadal heynteedi meelwalba marayso , oo qoraayad caalmka ugu horeeya ay ku tilmaameen Dimquraadiyada afrika layska indha tiray , ayaa hadan shacbka reer somalildand ay wali tabayaan wixii ka maqanaa, si ay u helaan waxaa fiican in ay dawlada siilaanyo xidhiidh fiican la sameeyso qurba joogta iyo waxgaradka reer Somaliland si ay ugu kuurgalaan habeen iyo maalin inay shankaroon ay noqoto meel lagu soo hirto dalxiiskeeda ,nimcooyinkeeda ,iyo maalgashiba .
Gabogabadii :
Waxaan leeyhaya madaxweynaha Somaliland dariiqii tooska ahaabad hayse ee haka leexan , meel waloo lagugu so sharfana waxay tahay sumcad u soo kordhay dalka sooyalkii iyo taarikhduna way qiri doonta hadu ilaahay ogolaado .
Maxamuud Askar
Khartoum –sudan