Powered By Blogger

Thursday, November 18, 2010

moaskar

Codka Shacabka


Maxamuu Askar
askarb5@hotmail.com

 Dayacsananta Ardayga Iyo Ogaala'aanta Waalidka
Hordhac 
Codka shacabku waa camuud ama maqaal maalin le ah,  oo aad ka dheehan doontaan websitayda somaliland ,waxaanan kaga hadli doona haduu mowluhu ogolaado ,dareenka shacbka iyo xalday aykolba ku suganyiin ,waa muraayad ka turjumi doonta ,dhawaaqa bulsha weyanta reer somaliland ,anigoo ka hadli-doona arimaha bulshada , dhalinyarada ,waxbarshada  dhalinyarda ,siyasada ,ciyaaraha ,iyo dhaqaalaha .
Hadaba waxa is waydiin mudan maxaa kugu dhaliyay fikradan?
Markaan diraaseeyay cilmiga saaxafada iyo horumarka ay ku socto ,markaan in badan akhriyey jaraa'iidka ka soo baxa wadamada carabta ,sida masar iyo sudan,markaan in badan ka baaraan dagay waxaa igu dhalatay in ay lagma maarman tahay ,inuu qofku wax ku soo kordhiyo waxaa uu barto .
Markaan intaa so qodob eegay waxa ka dhalatay inuu camuud ku yahay baraarujiyaha dadweynaha ,hadaba waxaad sugtaanba waa camuudkii oo soo bixi doona insha allah maaanta .

Gogol dhiga ka dib,waxaan ka hadlayna waayaha ardayga intu uu tacliinta wado iyo dhibaatoyinka ka horyimada ha u bataan aradayad diba'ada wax ka soo barta .
waxanan  insha allah ku bilaabi doona maanta  arimaha waxbarshada maadamo aan ahay arday
waxaan ku bilaaba qadiyada aradayda la soo diristay inta ay waxbranyaan .
Hadaba aniga oo ah araday wax kabrta (SUDAAN), imkana dhamaystay jaamacada ,waxaan doonaya inaan baraarujiyo
walaalahayga imka wada waxbrshada ,hadan moogsan , waxaan leeyahay walalyaal huradad ka kaca
waxaadtahay  ubixi wadanka mustaqbalkii umada , Araday waa lagu soo dirtay , lacagbaa kug baxada ,ummad dhan baa ku sugayasa ,lama mid tihid inanka yare suudaniga ee hooyadii ka soo ag toosayaa .
Suudan waxa lagu yaqaanay arday toosan ,waxbarshadooda ka adag, may aheyan meel dhayal dhayal lagu joogo hase ahaate malmahan Waxaa kuso kordhay , in ay is ilaawan aradaydii lasoo dirtay waxaan keenay sababahan?
1.    Ardaygu inuu helo saaxiib xun ,ha noqdaan kuwa cuna qaadka ama kuwa dadka tahriibiya .
2.    Inuu  ardaygu is ilaawo ,oo uu idhaa waxbana jeclahay , la sheekaysto gabar kadib ay isla waashaan.
3.    Ardaygu inu carabigu ku adkaado ,dadaal la’aan xaggisa ka timaada.
4.    Ardayga oo waxbrashadu ku adkaata oo reer kooda ka qariyo,  kadib  ku fikiro
inuu samaysto shahaado FOOJARI  ah taasina waa fara ku tiris .
Waxaa iyana jirta inuu waalidku hilmaamo oo aanu wiilkiisa ama  gabadhiisa aanu xiisaabin taasina waxaa keenta,
Fognaashaha iyo qurbaha laakin waxaa fiican, marwalaba inuu waalidku ka waraysto qofkuu soo dirsaday, ardaydii ay saaxiibka ahaayeen wiilkiisa  ,ama dadka cid u dhow .
Imsaa sudan ku dhex dawakhay, imsaa sigtay in jamacada laga eryo ,imsaa ku fikrta habeen iyo maalin goormada tolow reerkiini ku noqon, imsaaa rajeynaya imka inuu ilahay u naxariisto oon jamcada laga iryin .
Waxaan odhan lahaa ,intaad dhow dhowdahay  waar siixbayaal hadaad mar sigato , dee marka labaad waa lagu celinyaa,  taasna waxaa aad kaga badbaadi karta inaad , GO’AAN yeelato maxaa yeelay ninka raga ahi waa ki go’aan leh.
ugu danbaynti
go'aanka mar baa la qaata ,hadaad laba jeer qaadto ,khalad badan baad ku dhacaysa.

maxamuud askar
khartoum-sudan
post-graduat international university of africa

No comments:

Post a Comment