Codka Shacabka
"InterPrise NewsPepar Waxay Mudantahay Ku Dayasho"
Maxamuud Askar Askarb5@hotmail.com |
Waxaa ku soo korodhay saxafada Somaliland magazin caalamiya , oo mar qudha ka soo wad baxa Hargeisa iyo london maaha markiiuu horaysay ee saxafada lagu arko , hase ahaate waxy ku cusub tay carad Somaliland ,waxaa in loo mahad celiyo mudan tafatiraha majaladan( Khaliif Xaanwaal),waxanay diinteena suubani inoo sheegtay (Qofkaan Dadka U Mahadcelin ,Illaahayna Uma Mahadceliyo) ,dhamaan maamulka newspeparka aad bay u mahdsanyiin sida wanaaga leh ee ay uga hirgaliyeen in mar qudha laga wada daabaco (interprise newspepar) ,,insha allah waxaa ku xigtaaa inuu noqodo jaraaiid caalamiya sida jaridada calamiga ah ee (Sharqal Awsad) oo london iyo wadamada carbta mar ka soo wada baxda , adeega kale ee news paperkan leeyahay waxaa weeyan inaad internetka ka daalaacto oo aad ka soo rogan karto computerkaaga ,hadaba news paperkan oo ku qoran afka somaliga ah iyo kan englishka ba , ayaa sidoo kale ka kooban (16 page )isagaoo soo baxay (Cadadkiisi 5) maalintii ciid,markaa waxay u eegtay inuu yahy bil leh .
Magizen waxaa fiican inuu ka hadalo wixii bishaaso dhan dhacay si uu u faafaahiyo waxaya,ama dhacdo uu udaba gali lahaa taxqiiq uu u samayan lahaa ,laakin waxaan markaan akhriyey ku arkay ina'anay waxaba ku kal duwaneyan majaladan iyo wargeysyada cadiga ee warka soo tabiya .
Tusaale ,ahaan waxaa fiican inaad ku samaysaan taxqiiq wixii sababay inuu is casilo xuseen kiiniyati ,waxaan badan fiican in lacag badan lagu kharash gareeyo majalada maxaa yeelay, jaldigeedu wuu ka adagyahay ka jaraa'iidka ,sawarkiisu waa mid midableh ,warqadahay adeegsan way ka adagyiin oo ka tay wanaagsan yiin kuwa jaraa'idka intaso sababood ayey kaga duwan tay majaladu jaraa'idka sida awgeed anoon dhliilayn majaladan oo xili la qiimeeya aanay tagneyan ,Hase ahaate waxay haysat bil markaa iney si fiican bisha wax u uruuriyaan ,si ay ula tartamaan jaraa'idka maalin laha ah ee ka soo Hargeisa .
Waxaan aad ugu faraxsanahay ,farxad aan la soo koobin karin markaan ku arkay warbixin lagu qoray (page 13 the history of somalia ) oo ay ku sawran tahay khariirada somaliland iyo soamliaya oo calankii labada wadan lagu kala midabeeyay ,inkastoo uu hadana wada khuseeyo somalia iyad lafteeda in badan lagaga hadlay ,laakin warka ka soo baxaa wuxu khuseeya 80% somaliland,mar labaad iyo mar sadexaad ba waxaan leeyahay Interprise Newspepar Hambalyo Hambalyo.
Saxafada somaliland waxaan leeyahay dhamaantod dadaalka sii labin laaba ,gaar ahaan bahda jaraa'idka waa ina horumar ku sameeyaan qaabka uu u soo baxo jaraa'idadu , oo bal laysku dayo inta laysku tago madbcad taye leh in la guulo , si ay tayada jaraa'idku aad u fiicnaato, akhristuhuna uu ugu raaxaysto ,midabka oo kale in layska yara hagaajiyo ,oo madbacda horumarsan la keeno wadanka , waxaa na doorka ka soo bixidiisu ku haboontahay tujaarta somaliland oo ay ku waajibtahay in ay maal gashato si ay xoriyada saxafadu u sii horumarto .
Dawlada waxaan leeyahay wargeyskiinu waa ka ugu tayad hooseye ,sidii dawladi hore hanoqonine iska hagaajiya oo la tartama wargeysyaada kale sida (Geeska Africa , Haatuf,Jamhuuriya ) ileen waxaad ku soo baxdeen waxay ahayd xoriyada saxafada iyo rayigii laga dhiiban jire , waaxaad ogaatan hadaad iska horumarisan dhimaca saxafada ,ictiraafkiinuna wuu so dhawaanaya .
maxamuud askar
Editorka moaskar.blogsopt.com
khartoum-sudan
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
ReplyDeletesiinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com